Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Horumarineed oo Laga Fuliyey Degmadda Xudun

Xudun – (warsoor ) – Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda JSL, Md. Maxamuud  Xaashi  Cabdi yo weft balaadhan oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo uu hogaaminayo ayaa maanta xadhiga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hir galiyey degmada Xudun ee gobolka Sool.

 Wasiirka Xaashi iyo weftigaasi oo saaka si balaadhan loogu soo dhaweeyey degmadaasi, ayaa furay mashriic sadex ah, sidoo kalena maamulka degmada ku wareejiyey deeq raashin ah.

 Soo dhawayntaasi ka dib ayaa munaasibad balaadhan lagu xarunta degmada Xudun, halkaasi oo khudbado laga jeediyey, Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda Maxamuud  Xaashi  oo ka mid ahaa madaxdaasi halkaasi ka hadashay ayaa jeediyey khudbad garnaqsi, ay oo dhinacyo badan taabanaysay, waxaanu yidhi, “Ugu horayn waxaanu ka mahad celinaynaa sidii diiranayd, niyada furnayd, dhaqanka wanaagsan ahayd ee aad noogu soo dhawayseen Degmadan Xudun iyo sidii naloo sooray, intaba waanu ka mahad celinaynaa. mar labaad waxaanu iyadana bogaadinaynaa niyad samida dadka iyo bulshada qoor-waynteeda dareenka ka muuqda. waxa aynu nahay dad walaalo ah, dad wadan leh ayeynu nahay, dad dhaqan soo jireen ah leh ayeynu nahay, waa waxa aynu kaga duwan nahay qoomiyadda Soomaaliyeed ee geeska Afrika ku dhaqan bulsho dhaqan ab iyo isir leh ayeynu nahay. dhaqankeedana way ku jirtay wax kala tirsiga iyo is qabashadu, waxa kale  oo ku jirtay sida aynu u kala baxno iyo wax aynu ku kala baxno, dabaro iyo xeerar ayey lahayd.

 Walaalayaal anagu waxaanu ka soconaa Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka madaxda yahay, Xukuumadaa aanu ka midka nahay siyaasadeeda waxa u bud dhig ah inay horumariso gobolka Sool, inay Nabad waarta ka abuurto gobolka Sool, degmadan Xudun waa degmooyinka ugu waaweyn gobolkan.

 Gobolka Sool waa gobol ka mida gobolada Jamhuuriyadda Somaliland, waa gobol u baahan in la horumariyo oo mashaariic badan laga fuliyo. Ma suuro gali karto in dalkan yar iyo dadkan aynu is nahay in qaybina ay badhaadho oo barwaaqo ku noolaato qaybina ay ba’do!. Wuxuu baynu wada qabi karaa, caqliga wanaagsana kuma jirto in ina la dhiso Ina dib loo dhigo. Sidaa darted waxa naga go’an oo aanu Madaxweynaha wakiil kaga nahay oo uu naga ogyahay in wiixii horumar ah aanu xooga saarno Gobolada Somaliland ee bariga ee ka hooseeyaa kuwa galbeedka.

 Mashaariicdan aynu maanta degmadan ka furaynaa waa kuwo muhiin ah, odhan maynu wax waliba way dhamaadeen. odhana mayno baahiyi ma jirto, waa mashaariic bilow ah oo u muhiim ah maamulka iyo nabad galyada. Hadii aanay halkan nabadi ka jirin oo aanay saldhig boolis yeelan   magaalada bulshada ku nooli nabad kuma noolaan karto, sababtaas ayaanu saldhigan u dhisnay. Sidoo kalena maanta waxaanu furnay Xaruntii maamulka degmada iyo garoon loogu tallo galay inay dhalinyaradu kubada ku ciyaarto. Baahiyaha kale ee laga waramayna wiixii suuro gal ah waanu qabanaynaa, waxa kale oo aanu ka hawl galaynaa sidii Maxkamad degmadan loogu dhisi lahaa.

Waxaan halkan ka markhaati kacaynaa in dareenka dadweynaha Xudun uu shalay iyo maanta kala duwan yahay, odhan mano wuu qabyo tiran yahay, oo saxar la’ yahay hasyeeshee aad ayuu u fiican yahay shalayna wuu ka duwan yahay.

 Awow-yaasheen isma gumaysan, Aabayaasheena isma gumaysan inaguna rag is gumaysan karra ma nihin, waxa aynu nahay rag wax wada leh. Halkan maanta dawladnimo ayaanu ku maraynaa. Geeleenu bancade ayuu wada daaqaa taariikhdada ma soo marin inaynu is gumaysanay wakhtiguna wakhtigii maaha  waxa aanu wadnaa waa dawladnimo, reero is gumaysana ma nihin, reero-na kama socono anagu, maanta geelayagii waanu ka nimid, waxaa aad nagu soo dhawayseen waa dawladnimo.

Walaalayaal Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu waxgaradka iyo qoorweynta reer Sool iyo Sanaag barri u dhigay gogol, maaha go’gol been ah, waa mid run ah, waxaanu doonaynaa Walaalayaal in aanu idin turxaan saarno, waxaanu doonaynaa in aanu tabashadiina bi’ino, waxaanu doonaynaa inaynu Qaranka wada qaybano waynu wada leenahee, qarqarkiina qaybsada oo goosta, ka qayb gala Diiwaangalimaha iyo doorashooyinka. Rag dudi karra ma tihidin, rag wax wada leh ayeynu nahay, ninka halkan Xudun ku nool Xamar waxa uga dhaw Hargeysa, Gar-adag iyo iso Caynaba. (Laba ILAHAY ayaa u daawe qaada, Laba iyagaa daawe qaata). Waxa aynu nahay kuwii ILAHAY u daawe, qaaday, dalka, dhulka, dhaqanka, dhalashada iyo dhiiguba waa inaga dhaxeeyaa, dhismaha dawladnimaduna waa inaga dhaxeeyaa, wixii la qawadayo waxaanu qabnaa in la toosiyo, (khalad waa markii la qabtaa.)

 Maanta dani kuma jirto in ninka dudayaa uu qori qaato, oo jabhad sameeyo, oo maxaad qori u qaadan oo jabhab u abuuro oo qalalaase dhibaato iyo khasaare dadkaaga u galin,? wax aynu wada leenahay ayaa miiska yaalee, rag kala gar qaadan kara ayeynu nahay, Ri’ gaar ah cidna laguma sandulayn karo. waxaan adkaynayaa inaynu nabada iyo horumarka ka wad shaqayno dhamaanteen.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

IMG_3975