Wasiirka  Ganacsiga Somaliland Oo La Kulmay wefti Ka Socday Cumaan iyo Switzerland

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka  Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga, Mudane Eng Hussein Adan Igeh ayaa Maanta xafiiskiisa  ku qaabiley wefti ballaadhan oo Ganacsato iyo Maal-gashadayaal ah oo ka socday dalalka Saldanada Cumaan iyo Switzerland. Weftigani waxay Somaliland u yimaadeen inay indha-indheeyaan isla markaana u kuur galaan Fursadaha Ganacsi iyo kuwa Maalgashi ee dalkeena ka jira, gaar ahaan ka ganacsiga  Shidaalka, Tamarta iyo mashaariicda Technology-yada.

Weftigaasi waxa hogaaminayey masuul sare oo ka socday dalka  Saldanadda Cumaan (Major General(Retd) Nooh Sabil Al Balushi isla markaana ah Agaasimaha Guud ee shirkada RUBY PROJECTS INTERNATIONAL. Sidoo kale waxa isaguna weftiga ka mid ahaa Andreas Boesch oo ah masuulka ugu sareeya Shirkada Tamarta ee PETRA ENERGY oo laga leeyahay dalka Switzerland. Weftiga ayaa booqday Dekeda Caalamiga ah ee Berbera iyo Haamaha Kaydka Shidaalka.

wasaaradda_Ganasiga (1)

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga wuxuu warbixin faah-faahsan weftiga ka siiyey goobta isteraatijiga ah ee ay Somaliland ku taallo taasoo ah marrinka ugu muhiimsan ee uu maro Ganacsiga Caalamku.

Wasiirku waxa kale oo uu weftiga uga warramay fursadaha ganacsi iyo kuwa Maalgashi ee dalkeena ka jira iyo  khayraadka dabiiciga ee dalka ceegaaga ee u baahan in la Maal-gashado. Sidoo kale Wasiirku wuxuu ka warramay heerarka ay soo martay JSL, caqabadaha ay ka soo gudubtay iyo sida ay JSL haatan diyaarka ugu tahay uguna  baahan tahay xidhiidhiidh ganacsi iyo mid Maalgashiba.

Kulanka uu Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashigu la yeeshay Ganacsatada ka socotay dalalka Cumaan iyo Switzerland waxa ku wehelinayey Agaasimaha  waaxda Maalgashiga ee Wasaarada Mudane Maxamed Saleebaan Cilmi. Kulanka ayaa wuxuu ku soo dhamaaday is-afgarad iyo ku qanacsanaan ay weftigu muujiyeen inay aad ugu qanceen arrimaha Amniga dalkeena iyo fursadaha xagga Ganacsiga iyo Maalgashiga. Ugu dambayntii Wasiirku waxa uu weftiga ku dhiirri geliyey oo uu ku booriyeyay inay Maalgashigooda u bilaabaan sida ugu dhaqsaha badan leh ee ugu macquulsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.