Wasaaradda Waxbarashadda oo Beenisay Warar sheegaya inay Fasax galayaan Dugsiyadda Waxbarashadu

Hargaysa – (warsoor) – Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska ayaa Waxba kama Jiraan Ku tilmaantay Warar sheegaya in Dugsiyada dalku fasax geli doonaan Cabsi laga qabo Kor u kac ku yimaada Xaalada Xannuunka Coronavirus awgeed.

Agaasimaha Waaxda Xog isgaadhsiinta ee Wasaaradda Waxbarashadda Iyo Sayniska Maxamed Cabdi Maxamud Shiine oo galabta la hadlay Warbaahinta dadweynaha ee dawladu maamusho ayaa sheegay in haba yaraate aanay jirin wararka la isla dhex marayo ee sheegaya in dugsiyadda dalka la fasixi doono bisha 11-aad ee inagu soo foolka leh Cabsi laga qabo Xannuunka Covid-19 awgeed.

Agaasimaha Waaxda Xog isgaadhsiinta ee Wasaaradda Waxbarashadda Iyo Saynisku waxa uu sheegay in fasaxyada dugsiyadu ay yihiin Sidoodii Caadiga ahayd Waxaanu u soo jeediyey dadka wararkaas faafinayaa inay ka daayaan Bulshada xogaha marin habaabinta ah ee aan ka soo bixin wasaaradda waxbarashadda.