Mashruuc Kaalin Mug leh ka qaadanaya Badbaadinta Deegaanka oo Hargaysa Laga Daah-furay

Hargaysa – (warsoor) – Wasaaradda Deegaanka Iyo Horumarinta Miyiga Somaliland ayaa sannadkii labaad daahfurtay barnaamij la doonayo in hoos  loogu dhigo qiimaha bulshadda laga siiyo Haamaha gaasta dabiiciga ah Kadib markii ay heshiis la gashay mid ka mid ah shirkadaha ka ganacsada gaasta dabiiciga ah.

Barnaamijkan ayaa Qayb ka ah Mashruuc ay iska kaashanayaan Wasaaradda deegaanka iyo Horumarinta Miyiga iyo Hay’adda Qaramadda midoobay ee UNDP kaas oo la doonayo in hoos loogu dhigo isticimaalka dhuxusha.

Barnaamijkan maanta la daahfuray oo si rasmi ah looga fulin doono Magaalooyinka Hargaysa,Boorama,Burco,Ceerigaabo,Berbera iyo Laascaanood ayaa lagu qaybin doonaa ( Laba Kun Sagaal Boqol iyo Toban Haamood) oo ah kuwa gaasta dabiiciga ah Waxayna Wasaaradda deegaanka iyo Hay’adda UNDP oo is kaashan doonaa ay bixin doonaan 20 dollar oo ah Qiimaha haanta lagu iibsanayo halka Shirkadda Haas Batrolim ay samaysay qiimo dhimis boqolkiiba 11 ah,taas oo ka dhigan in qiimaha haanta Lixda Kilo garaam ahi ay bulshadda ku gaadhi doonto qiime dhan 12 dollar.

Munaasibad lagu daahfurayay Mashruucan oo ka qabsoontay Xarunta wasaaradda deegaanka iyo Horumarinta miyiga ee caasimadda hargaysa ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Miyiga Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Cabdi-naasir Axmed Xirsi ayaa si qoto dheer u sharaxay ujeeddada ay wasaaradoodu ka leedahay Mashruucani inuu salka ku hayo sidii loo yarayn lahaa isticimaalka dhuxusha oo saamayn taban ku leh deegaankeena.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi waxay u Mahadceliyeen Hay’adda UNDP iyo Shirkadda Hass Patrolim kaalinta muga leh ee ay ku leeyihiin Mashruucan wax ku oolka ah.

Cabdi Abokor Yuusuf oo ka mid ah Saraakiisha Hay’adda UNDP ee Somaliland Iyo Mahad Cabdi Cali oo ah Maamulaha guud ee Shirkadda Hass Petroleum qaybteeda Somaliland oo mashruucan ku guulaysatay ayaa sheegay in hawlgalkani uu yahay mid waxtar u ah badbaadinta deegaanka  .