TALOOYIN CAAWINAYO IN MACAANKA DHIIGGA LA DEJIYO

In sonkorta dhiiggu ay kor u kacdaa waxa ay ka mid tahay calaamadaha muujiya macaanka, haddii aan la xakamayna waxa ay keentaa khataro caafimaad oo nolosha halis ku ah. Heerka sonkorta oo kor ku kacdaa waxa ay muujinaysaa in maadadda Gulukoostu ay ku badatay dhiigga.Gulukoostu waa sonkor uu jidhku caadi ahaan u baahan yahay maadaama oo ay tahayu il muhiim ah oo uu ka helo tamarta, laakiin dhibaatadu waa in ay heerkeeda dabiiciga ah ka badato. Hormoonnada Insulin iyo Glucagon ayaanay shaqadoodu tahay nidaaminta heerka sonkorta dhiigga, sida oo kale hormoonnada Adrenaline iyo Cortisol ayaa ka qaybqaata xakamaynta kor u kaca sonkorta dhiigga.

Warbixintan caafimaad oo lagu faafiyey shabakadda Aljazeera ayaa sheegaysa in dadka macaanka noociisa koowaad qabaa ay dhibaatadoodu tahay hormoonka Insulin oo ku yar jidhkooda, laakiin dadka macaanka nooca labaad qaba jidhkoodu waa uu samaynayaa xaddi ku filan oo hormoonka Insulin ah, laakiin dhibaatada haysataa waa awooddii Gulukoostu ku gaadhi lahayd Unugyada oo aan jirin.

Labada xaaladood ee aynu xusnayba waxaa kor u kaca heerka sonkorta dhiigga waxa aanay dhaawac xun gaadhsiisaa neerfayaasha, Indhaha, keliyaha iyo xididdada dhiigga.

Haddaba dadka qaba macaanka noociisa koowaad waxaa waajib ah in ay helaan dawo ah maadadda Insulin, mana jiro hab kale oo ay ku xakamayn karaan kicitaanka sonkorta. Laakiin dadka macaanka noociisa labaad qaba waxaa jira habab ay sonkorta dhiggooda ku yarayn karaan, oo lagaba yaabo in ay mararka qaarkood dawo ka maarmi karaan. Iyada oo ay marwalba waajib tahay in bukaanku uu dhakhtar la tashato inta aanu isticmaali dawo macaan ah iyo marka uu isticmaalo kaddib, wax kasta oo uu dawo ahaan u isticmaalayana ay tahay in uu dhakhtarka kala tashado.

HABABKA UGU FIICAN EE BUKAANKA MACAANKU AY KU DHIMI KARAAN HEERKA SONKORTA DHIIGGA WAXAA KA MID AH:

  1. ISKA JIR QULUBKA: Qulubka iyo culayska nafsiga ahi waxa ay kordhiyaan heerka hormoonka Cortisol oo isaga iyo hormoonno kale oo uu ka mid yahay Glucagon ay keenaan in ay kor u kacdo heerka sonkortu. Haddaba haddii aad xaaladahan nafsiga ah isku aragto naftaada kula dagaal xasiloonida, sida oo kale samee jimicsi maalinle ah.In qofku uu hurdu ku filan seexdo ayaa iyaduna kaalin muhiim ah ka ciyaarta dejinta xaaladahan nafsiga ah. Cilmibaadhiso kala duwan ayaa caddeeyey in hurdo yaraantu ay kor u qaaddo hormoonnada keena diiqadda iyo qulubka.
  2. CUNTOOYINKA LEH KAARBOOHAYDARAYT KA: Cuntooyinka hodanka ku ah Karboohaydaraytku waxa ay si dhaqso ah kor ugu qaadaan heerka sonkorta dhiigga, sidaas awgeed qofka qaba macaanka waxaa lagula talinayaa in aanu cunin cuntooyinkan. Waxa aanay dhakhaatiirtu kula talinayaan cuntooyinka ay ku yar tahay Kaarboohaydaraytka oo ay ka mid yihiin cuntada badarka / firiga ah ee ay Soomaalidu waddaniga u taqaanno, sida qamandiga, digirta iwm, iyo sida oo kale khudaarta.Cuntooyinka ay dhakhaatiirtu dadka macaanka noocyadiisa leh uga digayaan waxaa ka mid ah Daqiiqada cad iyo cuntooyinka ay ku jirto sonkortu.
  3. MIISAANKA: Bukaanka qaba macaanka noociisa labaad, talada ugu mudan ee ay dhakhaatiirtu siinayaan waa in uu miisaank dhimi, haddii uu miisaankiisu inta dabiiciga ah ka badan yahay. Mar kasta oo uu miisaanka qofku kordho, waxaa kordhaya xaddiga uu jidhkiisu uga baahan yahay hormoonka ‘Insulin’ halka mar kasta oo uu miisaanku yaraado ay hoos u dhacdo heerka sonkorta dhiiggu. Dhakhaatiirtu waxa ay sheegayaan in guusha ugu fiican ee miisaan dhimistu ay tahay in qofku uu muddo lix bilood illaa hal sano ah ku dhimi boqolkiiba 5 miisaankiisa. Taas oo ay sheegeen in ay tahay bar bilow fiican oo uu qofku halkaas hoos uga sii wadi karo miisaanka.LA SOCO QAYB KALE…….