Wariyayaal Madax-banaan oo Lagu Xidhay  Berbera iyo Qaar La Raadinaayo

Berbera – (warsoor) –  Waxaa magaaladda madaxda gobolka Saaxil ee Berbera xabsiga loo taxaab 3 wariye oo ka hawl-gala talafishano madax-banaan halka qaar kalena la raadinaayo.  Amar xidhitaanka wariyayashan ayaa la sheegay inuu soo amray maayar degmadda Berbera.

Wariyayasha la xidhxidhay oo kala ah Saxafi Axmed Siciid Maxamed Wakiilka Tv-ga Kalsan xaruntiisa Berbera,  Saxafi Cabdiraxmaan Maxamed Cige Wakiilka Tv-ga Somnews xaaruntiisa Berbera iyo Saxafi Mubarik Cismaan Siciid (Nirig)Wakiilka Tv-ga Star xaruntiisa Berbera. Ciidamada Booliska ee magaaladda Berbera ayaa la sheegay inay sidoo kale raadinayaan Saxafi Maxamed Cabdilaahi Soofadhiste oo ah wakiilka Tv-ga Somalichannel xaruntiisa Berbera.

wariyayaasha_la_xidhay

Xadhiga wariyayaashan ayaa yimid ka dib markii ay baahiyeen war saxaafadeed uu bixiyey xildhibaan Saleeban Cali Khayre oo ka tirsan golaha deegaanka Berbera kaasi oo ka dalbaday weftigii Somaliland ee wehelinaayey shirkadda DP World. Xildhibaanka ayaa dalbaday in la tuso heshiiskan madaama uu wakiil ka yahay dadka soo doortay taasi oo uu sheegay in loo diiday.

Sid ay sheegayaa wararku Maayarka Berbera ayaa ka dalbaday wariyayaashan in aanay baahin warkaa xildhibaanka balse, wariyayaasha ayaa baahiyey warka xildhibaanka, waxaan ka dhashay in maayarku amro in la soo xidho wariyayaashaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.