Taliye ku xigeenkii hore ee NISA oo la dhaawacay

Muqdisho – (warsoor) – Taliye ku xigeenkii hore ee NISA Xasan Dheere ayaa ku dhaawacmay weerar goor dhow ka dhacay Isgoyska Ceel-Gaab oo kala qaybiya degmooyinka Xamar-Jabjab iyo Waabari ee magaalada Muqdisho.

Kooxo hubeysan ayaa rasaas ku furay gaari ay saarnaayeen taliyaha iyo ilaaladiisa sida SONNA ay u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale weerarkaan waxaa ku geeriyooday mid ka mid ah ilaalada Taliyaha, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay Darawalka Taliye ku xigeenka.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.