Sacuudiga oo ku xukumay dil 15 Shiica ah kadib markii lagu eedeeyay inay u basaasayeen Iran

Sacuudi Carabiya – (warsoor) – Maxkamad Sacuudi Carabiya ayaa ku xukuntay 15 qof dil iyadoo lagu eedeeyay inay u basaasayeen Iran.

Waxay ka tirsanaayeen 32 qof oo 30 ay tahay Shiicada Sacuudiga, hal reer Iran iyo qof reer Afghanistan oo dacwad lagu qaaday bishii Febraayo.

Dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyay qiuyaamo qaran , iyagoo qabanqaabiyay basaasnimo ay la shaqaynayaan sirdoonka Iran, ayna u gudbinayaan xogta goobaha milatariga.

Xiisada u dhaxaysa Sacuudi Carabiya iyo Iran ayaa sii korortay sanadkii hore.

_88383682_gettyimages-504001954

Sacuudi Carabiya ayaa u goysay xiriirkii diblomaasi ee ay la lahayd Iran bishii Janaayo, kadib markii ay weerareen safaaradii Sacuudiga ee Iran dad ka mudaaharaadayay dilka sheikh Shiicada Sacuudiga ee Nimr al-Nimr iyo saddex kale oo Shiica ah.

Msuuliyiinta Sacuudiga ayaa ku adkaystay sheikh Nimr in lagu helay danbi argagixiso, laakiin hogaamiyaha sare ee Iran ayaa sheegay in loo dilay dhaleecayntiisa boqortooyada Sacuudiga ee Suniga ah.

Waddamada gobolka ayaa sidoo kale kala taageeray labada dhinac.

32 qof oo dacwadooda lagu qaaday maxkamad gaar ah ee danbi ee magaalo madaxda Riyad bishii Febraayo, ayaa la aaminsan yahay in la xiray 2013.

Bilawga dacwada , ayaa la sheegay inay ku jireen dhowr qof oo aad looga yaqaano dadka Shiicada oo aan ku lug laheen siyaasad, oo ay ku jiraan macalin jaamacad, dhaqtar, shaqaale bangi iyo laba Sheikh.

Laakiin wariyayaasha TV-ga Sacuudiga uu leeyahay ee al Arabiya, ayaa sheegay maanta in dadka la dacwaynayay badankood ay ka tirsanaayeen milatariga Sacuudiga.

Dadka badankood ayaa ka yimid gobolka bariga, oo ay ku badan yihiin Shiicada Sacuudiga.

Dhowr qof oo la dacwaynayay ayaa lagu xukumay xabsi, labana waxaa lagu waayay danbi ayay sheegtay al-Arabiya TV.

Waxaa Shiica ah 10 ilaa 15% labaatan iyo siddeeda milyan ee dadka Sacuudiga, waxayna dad badan sheegaan in la takooro dhinacyada waxbarashada, cadaalada, shaqooyinka iyo xoriyada diinta.

Mucaaradnimada ayaan loo dulqaadan, intii u dhaxaysay 2011 iyo 2013 in ka badan 20 qof ayay dileen ciidamada ammaanka, boqolaal kalena waa la xiray markii Shiicada ay samaysay banaanbaxyo looga soo horjeedo takoorka lagu sameeyo.

Xabadayn iyo weeraro bambaano ayaa sidoo kale dilay dhowr boliis.

Xigasho: BBCSOMALI

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.