Madaxweynaha Somaliland Oo Iscasilaadii Ka Aqbalay Wasiir Ku-xigeen uu Dhawaan Magacaabay

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu ka aqbalay Istiqlaaladii uu u soo gudbiyey Wasiir-ku-xigeenkii Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee uu Madaxweynuhu dhawaan xilkaa u magacaabay. Madaxweynuhu waxa uu (Insha Allah) dib ka soo magacaabi doonaa masuul ku haboon isla markaana hanan kara xilkaa Qaran.

Madaxweynuhu wuxuu Istiqlaalada masuulkaa kaga jawaabay sidan soo socota:

“Ku: Mudane, Cabdi-qaadir Sheekh Maxamuud Warsame, Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda,  Og: Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda.

madaxweyne-silnyo

Ujeeddo:  Aqbalaad Istiqlaalad Xilka Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda.

Mudane, In muwaadinka loo magaacaabo xil qaran si uu dalkiisa iyo dadkiisa ugu adeego waa sharaf iyo maamuus. Haddaba, aniga oo ka duulaya habsami u socodka hawlaha baaxadda leh ee Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda waxa soo dhaweynayaa cudurdaarka iyo go’aankaaga ah inaanad qaban karin xilkaa kor ku xusan. Sidaa darteed, mudane waan kaa aqbalay istiqlaaladda aad ii soo gudbisay waxaanan kuu rajaynayaa niyad-sami iyo mustaqbal wacan”.

Sidaasi waxaa war-saxaafadeed ku sheegay afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Xuseen Aadan Cigge (Xuseen-dayr).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.