Ronaldo oo Dhaawac Dartii Looga Saaray Ciyaarta Final-ka ee Euro 2016

Sport – (warsoor) – Kabtanka xulka Burtaqiiska Cristiano Ronaldo ayaa laga saaray ciyaartii finalka ee koobka Qaaradda Yurub ee 2016 ka idb markii dhaawac uu hore uga cabanaayey lagu dhuftay.

Rolando

Weeraryahanka naadiga Riyal Madrid ayaa ilaa 17 daqiiqo ee ugu horeeyey ayaa dhaawac ka soo gaadhay jilibka laga saaray, waxaa dib loogu soo celiyey ka dib markii la soo daweeyey.

Ciyaaryahanka 31-jira ah ee Cristiano Ronaldo ayaa isku dayey inuu dib ugu soo noqdo ciyaarta isagoo lagu soo duubay baandhays waxaana mar labaad dhaawac u gaystay ciyaaryahanka afka hore ka ciyaaraha Faransiiska ee Dimitri Payet.

Cristiano Ronaldo ayaa awoodi kari waayey inuu ciyaarta sii wato waxaan daqiiqadii 25-aad uu iska saaray caalamadda kabtanka waxaana garoonka laga qaaday sariir isagoo ooyaya.

Ciyaarta ayaa wali is mari laayahay waxaan labadda kooxood ee Faransiiska iyo Burtaqiisku isku hayaan weerar iyo weerar-celin waxaana wali isla marayaa 0-0.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.