Rasiil Wasaare Khayre oo Jowhar ka dhagax dhigayo mashaariic horumarineed

Jowhar – (warsoor) – Wafdigan uu hoggaaminayo raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Dowlada Goboleedka Hirshabeelle.

Garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar waxaa ku soo dhaweeyey Wafdigan Madaxweynaah Hirshabeelle,Wasiirro iyo xildhibaanno maamulkaasi ka tirsan.

Wasiirka Warfafinta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdiweli Muxumed Cabdi ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in ujeedka safarka Ra’iisul Wasaaraha uu yahay dhagax dhiga mashaariic horumarineed oo laga hirgelinayo Hirshabeelle.

“Waxaa kamid ah dhismaha xafiisyada Madaxtooyada oo ay ku shaqeynayaan madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa,guriga Martida oo madaxtooyada laga dhisayo,xarunta baarlamaanka iyo xafiisyo ay ku shaqeeyaan wasaaradaha kala duwan ee maamulka Hirshabeele” ayuu yiri Wasiirka Warfafinta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Wasiirka ayaa intaa raaciyay in R/wasaaraha  uu kulamo kaal duwan la qaadan doonaa madaxda maamulka Hirshabeele iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Hirshabeelle.

Waxaa si weyn loo adkeeyey ammaanka magaalada Jowhar,iyadoo shacabka iyo maamulka ay si wada jir ah u soo dhaweeyeen wafdiga Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kahyre.

 

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.