Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Sagootiyay Saraakiil Tababar loogu qaaday Turkiga

Muqdisho – (warsoor) – 60-ka mid ah Saraakiisha Ciidammada Xoogga Dalka ayaa Maanta Tababar loogu qaaday Dalka Turkiga sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Amar Dambe

“Waxaan Maanta Garoonka Aden Cade ka sii Sagootiyay Saraakiil Tababar loogu qaaday dalka Turkiga Tiradooda waa  60 Sargaal oo ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Gaar ahaan Saraakiishii iyo Saraakiil Xigeenadii ka Qalin jabisay Kuliyada Tababarada ee Turki Som” ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhiga.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Saraakiishan maanta Tababarka loo qaaday ay isugu jiraan Layli Saraakiil iyo Saraakiil Xigeen, Hogaanka Maamulka Ciidanka Xoogga Iyo Saraakiil kale oo loo qaaday Tababar gaar ah oo kumaandoos ah.

Xasan Cali Amar dambe ayaa ugu dambeyn sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay ka go’an tahay Dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka, wuxuuna kaga mahad celiyay Dowlada Turkiga taageerada Joogtada ay siiso Horumarinta Ciidanka Soomaaliya.

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.