kalafadhiga afaraad ee Golaha Aqalka sare oo maanta si rasmi ah loo furay

Muqdisho – (warsoor) – Munaasabadda furitaanka kalafadhiga afaraad ee Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi,ku-xigeenkiisa koowaad Senator Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari),Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed,Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka,Safiirada dalalka Qadar iyo Turkiga u fadhiya Soomaaliya,xubno ka socday Golaha abwaaniinta Soomaaliyeed,Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka,xubno ka socday Maamul Gobolleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka,Wakiil ka socday Qaramada Midoobay iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda.

Ugu horeyn ayaa munaasabadda furitaanka kalafadhiga afaraad ee Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ka hadlay Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxameed Guuleed Khadar ayaa marka hore xubnaha Aqalka sare ugu hambalyeeyay furitaanka kalafadhiga afaraad waxuu uu sheegay iney howlo muhiim ah ay horyaalaan.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in Golaha Aqalka sare howlo muhiim ah u hayaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed,islamarkaana kaalin muhiim ah ka qaateen arrimaha horumarka dhaqaalaha,dib u heshiisiinta iyo waliba dib u eegista dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Golaha Abwaanada Soomaaliyeed oo madasha ka hadlay ayaa ku ammaanay howlaha ay Golaha Aqalka sare u hayaan Bulshada,iyagoona sheegay iney dowr muuqda ay ka ciyaareen wada xaajoodka Dowladda Federaalka iyo Maamul Gobolleedyada dalka.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi oo gaba-gabada munaasabadda furitaanka kalafadhiga afaraad ee Golaha Aqalka sare ka hadlay ayaa hadalkiisa ku soo koobay saddex qodob oo muhiim ah:

1-Federaaleynta dalka:- wuxuu sheegay in nidaamka Federaalka uu yahay nooc ku cusub dalka loona baahan yahay in laga baaraan dego nooca la qaadanayo iyo sida ugu habboon ee loo hirgelin karo, iyada oo aan la dhaawicin jiritaankeenna Qarannimo.

Sidoo kale,Guddoomiye Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa sheegay in hadda la joogo meel laga ambaqaadi karo,islamarkaana ay muhiim tahay in si dhab ah loo dhaqan geliyo dastuurka KMG ah, iyadoo la tixgelinayo Hay’ad kasta oo ka tirsan Hay’adaha dastuuriga ah ee loo igmaday.

2-Kaalinta Aqalka sare ee Hirgelinta Nidaamka Federaalka:-

“Dalkani wuxuu dhawaan bilaabay tijaabo cusub oo aan horay loogaga dhaqmi jirin, taas oo ah nidaamka federaalka. Waxaan ku qasban nahay in aan siyaasad cad ka yeelanno hirgalinta nidaamka federaalka iyo wada shaqeynta Hey’adaha Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada,”

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ayaa hadalkiisa intaasi raaciyay “Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa loo igmaday metelaadda Dowlo Goboleedyada iyo ilaalinta Nidaamka Federaalka ee Dalku qaatay. Haddaba, si Aqalku si dhab ah uga war-haayo arrimaha Federaaleynta ee dalka ka socota, waxaa looga fadhiyaa Dowladda Dhexe iyo Dowlo Goboledyada in ay ku ixtiraamaan Aqalka Sare kaliintiisa Dastuuriga ah ee ku qeexan Qod. 61aad (1) (3) iyo 71aad ee Dastuurka KMG ah,”.

  1. Hannaanka dig u eegista Dastuurka:-

Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa sheegay in dastuur Federaal oo loo dhan yahay aas-aas u tahay dib u dhiska dowladnimo ee Dalkeena Soomaaliya,wuxuuna sheegay in Dowladdaha qaatay nidaamka Federaalka ay ahmiyadda koowaad ay siiyeen kala qeexidda awoodaha dowladeed ee heerarka kala duwan, qaybsiga khayraadka iyo siddii loo wada shaqayn lahaa loona hirgelin lahaa nidaamka federaalka ee la qaatay.

Wuxuu sidoo kale, tilmaamay iney  lagama maarmmaan tahay in arrimahaas laga yeesho wada xaajood dhab ah; si loogu biiriyo dib u eegista Dastuurka ee haatan socda.

Ugu danbeyntii,Guddoomiyaha Golaha Aalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa sheegay inuu furan yahay Kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka Golaha Aqalka sare,isagoona hoosta ka xariiqay iney horyaalaan xubnaha Aqalka sare ajandayaal dhowr ah, sida sharciyo ay horay u soo meel mariyeen Golaha Wasiirada iyo howlo kale oo muhiim ah.

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.