Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo Xukuno kala duwan ku ridday eedeysanayaal

Muqdisho – (warsoor) – Maxkamadda Darajadda koowaad ee ciidamadda Qalabka sidda ayaa Maanta Xukuno iskugu jira dil , Xabsi Ciidan iyo sii daysmo ku kala ridey  7 nin oo ku eedeysnaa iney ka danbeyeen Qaraxi 26-11naad ee sanadki hore ka dhacey suuqa beerta ee degmadda waabari kaa oo ay ku nafwaayeen in kabadan 30 ruux kuna dhaawacmeen 40-tameeyo kale.

7-daan nin ayaa mid ka mid ah oo lagu magacaabo Cabduqaadir cali xasan xeer ilaalinta maxkamadu ku eedeysay asna Maxkamadda ka hor qirtay inuu ka tirsanyahey Maleeshiyaadka kooxda shabaab , wana Darawalkii Gaariga ku qarxay suuqa beerta oo laga dajiyey ka hor inta uusan qarxin rabey inuu isku qarxiyo waxeyna asiga maxkamadu ku xukuntay Dil toogasha.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa 2 nin oo ayagana lagu kala magacaabo Maxamed Cabdullahi Nageeye iyo CabdiNaasir Cumar Xasan oo ayagana laguso eedeyey iney ka tirsanyihiin kooxda shabaab Gaariga Hoomeyda ahaa ee qarxay in Midna keeney Xamar Midna ku hayey Geerash ku yaala Black-see waxeyna maxkamadu ku xukuntay min 15-sanno oo xabsi Ciidan ah.halka Maxkamadu siideysay 4-kale oo danbi lagu waayey.

Godoomiyaha Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Ciidamadda Qalabka sidda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Xukunka Maxkamadda ku Dhawaaqey kadib markii bishaan Gudaheeda 2 maalin u kala fadhiisatay dhageysiga Maxkamadda Ragaan.

Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ayaa Xukuno kala duwan sidaan oo kale ugu ridey Eedaysanayaal kala duwan oo Qaranka iyo shacabkaba danbiyo ka galay.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.