Ra’iisal Wasaare Kheyre oo cambaareeyey qaraxyada ka dhacay Muqdisho

Muqdisho – (warsoor) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa cambaareeyey qaraxyada saaka ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kuwaasoo ka kala dhacay agagaaraha Warshadii hore ee Nac-naca oo fariisin u ah ciidamo ka tirsan kuwa XDS iyo qaraxa labaad ee lala beegsaday hotelka Wehliye.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay inay tahay wax laga xumaado inay jiraan weli kooxo nabadda diidan isla markaana u ooman daadinta dhiiga shacabka.

“Waxaan aad uga xumahay falalkan qaraxyada ah ee lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed, waxaana ballan qaadayaa inaan xoogeena isugu geyn doono sidii aan gacan adag ugu qaban laheyn kooxahaan u ooman daadinta dhiiga shacacabka ah” ayuu yiri R.wasaaraha oo xusay in xukuumadiisu ay muhiimad gaar ah siin doonto sidii looga hortagi lahaa falalkan inay sii socdaan, lana xassiliyo dalka guud ahaan.

Gabagabadii, Ra’iisal Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada ay ka geeriyoodeen dadkii maanta ku dhintay qarxyadaasi, wuxuuna alle uga baryay inuu janadiisa geeyo.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.