Madaxweyne Trump oo qaadacay inuu ka qayb-galo casho sharaf Aqalka Cadi u sameeyo Saxaafadda

USA – (warsoor) – Madaxweynaha Dawladda Markaykanka Donald Trump ayaa Salaacadii ku dhawaaqay in aanu ka qayb-gali doono xafladda casho sharafta ah ee aqalka caddi u sameeyo warbaahinta sanad walba, taasi oo ku mudaysan 29 February 2017.

Xafladan waxaa ka soo qaby-gala dadka magaca leh, kuwa caanka ah, saxafiyiinta, siyaasiyiinta iyo madaxweynaha Maraykanka.

Donald Trump ayaa sheegay in aanu ka qayb-galaynin xafladda casho sharafta Saxafiyiinta ee afhayeenka aqalka cadi qabto. Aqalka cad ayaa ka saartay liiska dadka lagu casuumay qaar ka mid ah telefishanadda waaweyn iyo wargeysyadda caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa dhowr goor weerar ku qaaday wax uu ugu yeeray warar been ah, isagoo qayb saxaafadda ka mid ahna u nisbeeyey inay yihiin cadawga shacabka Maraykanka.

Muddo ku dhow 100 sano ayaa sannad kasta waxaa caado ahayd in ururka wariyeyaasha aqalka cad ay casho sameeyaan, taasoo uu madaxweynaha xilka haya ka jeediyo khudbad yara jilicsan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.