Madaxweynaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wasiirka Arimaha Dibadda Muritaaniya

Muqdisho – (warsoor) –  Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Muritaaniya Md. Isselkou Ould Ahmed Izid Bih waxaanu ka gudoomay martiqaad rasmi ah oo uu u siday.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Muritaaniya ayaa madaxweynaha Soomaaliya uga warbixiyey in sanadkan 2016 ay dawladda Islaamiga ah ee Muritaaniya ay marti-galinayso shir madaxeedka Jaamacadda Carabta oo lagu qaban doono  caasimada dalkaasi ee Nouakchott.  Martiqaadkan oo uu si rasmi ah ugu soo diray madaxweynaha dalkaasi Md. Mohamed Ould Abdel Aziz.

Wasiirka ayaa sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya u sheegay in ajendaha shirkaasi si weyn loogu gorfayn doono uu ka mid yahay xalaada Arimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamud ayaa aad u soo dhaweeyey martiqaadka uga yimdi madaxweynaha Muritaaniya Md. Mohamed Ould Abdel Aziz waxaanu balan-qaadnay inuu ka soo qayb-gali doono shirkaasi.

madaxweynaha-somaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.