Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Dhambaal Hambalyo ah U Diray Jabuuti Munaasibadda Maalinta Xorinimadda

Hargeysa – (warsoor) – Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Jamhuuriyadda Jabuuti munaasibadda sanad-guuradda 39-aad eek a soo wareegtay maalintii dalkaasi xoriyadda ka qaatay gumaystihii Faransiiska 27 June 1977.

Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, afka xildhibbaanada, hoggaanada, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga WADDANI, waxa uu hambalyo u dirayaa dawladda iyo shacabka dalka jamhuuriyadda Jabbuuti isaga oo ugu hambalyeynaaya sannad guurada 37 aad ee ka soo wareegtay maalintii xornimada ee ay ka qaateen guumeystahii Faransiiska  27kii, Juun, 1960kii.

gudoomiye_cirro

Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa uu boggaadinayaa horumarka ballaadhan ee ay dawladda iyo shacabka reer Jabbuuti ku tallaabsadeen muddadii ay xorta ahaayeen, isaga oo tilmaamay in horumaro badan ay ka sameeyeen dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo ammaanka ba, waxaana uu tibaaxay in Somaliland iyo dawladda Jabuuti uu ka dhaxeeyo xidhiidh  qoto dheer oo walaaltinimo isla mar ahaantaana ay mar walba diyaar u yihiin siddii ay iskaga kaashan lahaayeen dhinacyada amaanka , ganacsiga iyo xidhiidho diblomaasiyaddeed oo si hufan oo nabad iyo wada noolaashiyo ah u dhex mara labada dhinac.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu ugu dambeyntii uu u rajeynayaa dawladda iyo shacabka reer Jabbuuti in ay sannadka sannadkiisa ku gaadhaan barwaaqo, horumar iyo xasilooni.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.