Madaxweynaha Soomaaliya oo Si Rasmi ah u Furay Shirkadda Madashadda Wadda Tashiga Soomaaliya

Muqdisho – (warsoor) – Waxaa maanta oo Salaasa ah si rasmi ah xarunta madaxtooyadda dawladda federaalka Soomaaliya uga bilaabmay shirkadda madasha waddatashiga Soomaaliya oo ay ku kulmayaa madaxda iyo masuuliyiinta sarsare ee dawladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyadda.

Shirkan madasha waddatashiga Soomaaliya waxaa ka soo qayb-galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka , Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, Maxamed Cumar Carte, Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Puntland,  Koonfuur Galbeed Soomaaliya, Jubbaland, Galmudug, wakiilada beesha caalamka iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamud ayaa shirkan si rasmi ah maanta u furay waxaanu tilaamay in shirkan muhiimad weyn u leeyahay ummadda Soomaaliyeed maadama lagu go’aaminaayo arimaha doorashadda madaxweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey furitaanka shirka ayaa yidhi, “Shirkan waxaa uu noqonayaa kii ugu dambeeyay ee Madasha Hoggaanka Qaran, ka hor intaan toos loo gudagelin doorashada taariikhiga ee Soomaaliya ka dhacaysa. Arrimo badan oo muhiim ah ayaa ina horyaalla inaan ka wadahadalno, sida amniga, maalgelinta doorashada iyo imkaaniyaadka kale ee fududeyn kara hawshan’’.

madaxweyne_xasan madasha_shirka madasha_shirka2

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.