Madaxweynaha Somaliland Oo Digniin u Diray Madax-dhaqameedka Fidnada Dagaal Wadda

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriaydda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa madal uu ka qayb-galay oo uu kula hadlaayey bahda caafimaadka wuxu fariin digniin ah u diray salaadiinta dagaalka ka googaya deeganaadda hoos yimaada gobolka Sanaag.

Madaxweyne Muuse Bixii ayaa ka dalbaday inay bulshadda ka daayaan fidnadda waxaanu yidhi, “Madax-dhaqameedka Somaliland waxaan ka codsanayaa, marka ay reeruhu is dilaan madax-dhaqameedka, suldaanka iyo odaygaa loo tegi jirey, laakiin haddii uu odaygii leeyahay waan dagaallamayaa dabka anigaa wada oo aanu la gabbanaynin sidee la yeelayaa, madax-dhaqameedku waa inay is waaniyaan oo iyagu is qabtaan, waana masiibo, inuu suldaankii ugu soo horreeyo dagaalkii, fidnadii iyo dagaalkii ay ballaayadu ka dhacaysay waa masiibo hor leh oo inoo kow ah”.

“Ragga maanta cumaamadaha saydhinaya ee ina Suldaan Hebel iyo ina suldaan hebel ahow, suldaankii ku dhalay, kii kaa horreeyey iyo Awoowgaa samaan bay talin jireene dagaal may oogi jirin, hadal fidno lehna may tuuri jirin, saasayna sharaf ku lahaayeen, idinkuna ku yeelan maysaan sharaf hadal siyaasi ah oo aad dadka ku kicisaan iyo tolla’ayeey waan dagaallamayaa iyo beel baan u qabanayaa shir salaadiin kuma noqonaysaane fidmo-wadeyaal baad noqonaysaan, waana codsi oo haddii suldaankiina dagaal iclaamiyo, kii yaraana qori la cararo waa waali, sidaasna ku socon mayno” Madaxweynaha Qaranka Somaliland Muuse Biixi.

Halkan ka daawo warkan:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.