Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa waraysi gaar ah siiyey Laanta afka Soomaaliga ee VOA-da, waraysigan ayaa madaxweynaha lagu waydiiyey su’aalo la xidhiidha hawlaha u qabsoomay muddadii yarayd ee xukuumaddu xilka haysay iyo waxaa u qorshaysan.
Waraysigan waxaa qaaday wariye Barkhada Maxamed Kaariye, waydiimaha uu waydiiyey madaxweynaha waxaa ka mid ahaa:
- Ma jirtaa magacaabis ka dhiman xukuumadda cusub ee Madaxweyne Muuse
- Maxay yeelayaan dadka xukuumaddii hore la soo shaqeeyay ee wali xilalka haya? Miyaa la beddelayaa?
- Maxay gaar uga wada hadleen Madaxweyne Muuse iyo hoggaamiyayaasha dalalka Jabuuti iyo Itoobiya?
- Maxaa keenay in madaxweyne Muuse safarkii ugu horreeyay ugu baxo Jabuuti?
- Sidee ayuu madaxweynuhu ugu talogalay jihaynta dhallinyarada?
- Maxaa keenay in xeerarka qaarkood, sida ka Booliiska iyo Saxaafadda, loo fulin waayay?
- Maxaa qorshe ah xidhiidhka Somaliland iyo Somalia?
- MAXAA UGA MEEL YAALLA MADAXWEYNAHA KALA-XADAYNTA MAAMULKA DAWLADNIMO IYO QOYSKIISA?
Halkan ka daawo waraysiga:
This post is also available in:
Somali