Madaxweynaha: “Maalinta dhalinyarada waxay ina xusuusineysaa muhimadda ay midnimada u leedahay shacabka Soomaaliyeed”

Muqdisho – (warsoor) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan munaasabadda 15-ka May oo ah maalinta dhalinyarada iyo sannadguuradii 73-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ururkii SYL ee kaalinta weyn ka qaatey xornimadii dalka.

“Maanta waxaan dib u xusuusaneynaa doorkii waddaninimo iyo geesinimadii ay muujiyeen dhalinyaradii SYL oo halgan dheer u galay sidii waddankan iyo shacabkiisa looga xorreyn lahaa gumeysiga. Waxaa maalintan ay ina xusuusineysaa in loo baahan yahay in midnimada laga shaqeeyo si aan uga dhabeyno riyadii geesiyaashii SYL. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed iyo keygaba waxaan shacabka ugu baaqayaa in laga wada shaqeeyo nabadeynta, dib u dhiska iyo wadajirka Soomaaliya’’, ayuu yidhi Madaxweynaha.

madaxweynaha_Soomaaliya_maalinta_dhalinyaradda

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaabaddan awgeed ubax xusuus ah dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho.

Waxaa munaasabaddan madaxweynaha kala qeybgaley xubno ka tirsan labada gole iyo maamulka gobolka Banaadir.

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.