“Madaweynaha: Saddex Sanadood Ayaan Odhan Lahaa Haloo Kordhiyo Ilayn Uu Mutaystaye’e” Suldaan Nadiif

Hargeysa – (warsoor) – Suldaan Nadiif oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland ayaa mar uu la hadlayey Wargeyska Warsugan ka hadlay arrimo la xidhiidha doorashooyinka soo socda iyo qaabka loo wajihi karo.

Suldaan Nadiif ayaa ugu horayn ka hadlay waxqabadka madaxweynaha “Madaxweynaha wax qabadkiisa aad iyo aad nin kasta oo Somalilander ah oo muwaadin ah uu arkaya waxa uu qabtay madaxweynuhu, wax balaadhan ayuu qabtay wax indhuhu u roon yihiin ayuu qabtay wadooyin haday tahay, haday tahay guryahii qaranka, haday ciidamadda qaranka tahay, ciidamadda qalabka sida ee meel kasta jooga oo markii hore suboohi oo markay halkaa raxan-raxan u soo socdaan aanu ku diirsano  waxaas oodhan madaxweynaha ayaa keenay cimri dheer iyo caafimaad ayaan ilaahay uga baryeynaa. Madaxtooyadda marka imika ajaanibku soo galo way daawadaan; barigii hore marka la soo galena basaas ah, indhuhu marna way raaxaystaan marna way basaasaan barigii hore indhuhu way basaasi jireen marka la soo galo. Waa  madaxweyne wax qabad leh, waa madaxweyne dalkiisa u soo halgamay, waa madaxweyne maantana sida uu ugu soo halgamay ee uu dhaarta ugu maray asal wax ugu qabtay”.

suldan_nadiif

Suldaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray “ Waxa aan leeyahay marka u horaysa madaxweynaha waa la doortay cod ayeynu ku dooranay, tii aynu dooranay waynu ku faa’idnay kuma aynu khasaarin, waxa jira madaxweyne la doorto oo lagu khasaaro aad iyo aad ayeynu faa’idnay dalkeeni dhalo ayuu ka dhigay, waad ogtihiin oo wadadii la odhan jiray wadadii Sanaag Bari gawaadhidu dhawr habeen ayey u dhixi jirtay imikana waa hada (just) gabigeeduba ilama aha oo Burco iyo Sanaag Bari shan saacaadood ayaad u kala soconaysa. Waxa aan leenahay waar madaxweynaha waxaa inoo qabtay ee kor inoo soo qaaday in loo mahad naqo ayuu leeyahay in la mucaarido maaha, in la aflagaadeeyo maaha”

Sudlaan Nadiif ayaa madaxweynaha ku taageeray kaalintii uu ka qaatay dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay roobabkii dhawaan ka da’ay caasimadda, waxan uu yidhi “Maalinkii dhawayd ee roobabku da’ayeen iyada oo biyuhu yaacayaan ayuu lugeeyey oo dadkii dhintay ee dhakharka la keenay iyo dadkii dhaawac ahaa intiiba isdul taagay oo u tacsiyadeeyey xagee lagu arkay madaxweyne roobkii oo da’aya oo biyuhu yaacayaan lugeeya oo dhakhtarka taga oo dadkii bookhda” Sudlaanka ayaa intaas raaciyey oo bogaadiyey marwada koowaad marwo Aamina-wersi “Marwada markaan ku daro wax qabad balaadhan ayey iyana muujisay waayo halka odaygeedu maray ayey martay, haday tahay danyarta haday tahay ogoomaha haday dhakhtarada tahay, iskuuladda haday tahay wax balaadhan ayey marwadu qabtay, madaxweynuhu marka uu meel wanaagsan maro marwadiisuna meel wanaagsan ayey maraysaa”

Suldaan Nadiif ayaa si adag uga hadlay arrimaha doorashooyinka ee soo socda, waxana uu sheegay inaanay suurto gal ahayn in lays raaciyo labada doorasho, isaga oo ku taliyey in doorashadda madaxweynaha dib loo dhigo oo la soo horaysiiyo ta baarlamaanka, waxan uu yidhi “Doorashada taagan waxa la yidhi baarlamaanka iyo madaxweynaha mar hala wada doorto. Ma suurto galayso. Somaliland waxa aan leeyahay dib u fikira. Doorashadda baarlamaanka waa inay soo horaysaa baarlamaanka marka aynu doorano madaxweynahana waa in aynu marka danbe dooranaa saddex sanadood ayaan odhan lahaa anigu haloo kordhiyo ilayn uu mutaystaye. Ninku haddii abaal uu si wanaagsan u mutaysto waa in loo abaal gudaa saddex sanadood oo danbe in madaxweynaha loo kordhiyo ayaan anigu u soo jeedinayaa Somaliland iyo guurtida iyo cid kasta oo ay khusayso aad iyo aad ayaan u taageersanahay arrintaa”

“Madaxweyne la mid ahi ma soo fadhiisanayo dibna u dooran mayno horena umaynaan dooran. Waxa aan leeyahay dunidu dhalo ha inoo noqotee sida Imaaraadka Carabta  iyo Sucuudi Carabiyee waar saddex sanadood oo danbe waa baritee haloo kordhiyo baarlamaankana wakhtigii loo cayimay hala doorto anigu taas ayeen leeyahay. Madaxweynaha mid ayaan u soo jeedin lahaa madaxweyne waxa aan kaa codsanayaa in ciidamadaa inaad mushaharka horena waad ugu kordhisaye oo maanta ciidamadaasi waa ciidamo jira oo caalamka la filtamaya waxa aan kaa codsanayaa madaxweyne inaad mushaharka u kordhiso, guurtida ka dhima oo baarlamaanka ka dhima oo wasiiradda ka dhima”

“Waad ogtihiin oo gabooye baarlamaanka waxba kuma leh waxa aan leeyahay anaga oo aan waxba ku lahayn hadana waxa aan doonayaa kootadadii maalintii dhawayd ee goboladda la soo maray madaxweyne waxa aan doonayaa in aad takiidisid oo kootodaa nala siiyo. Cod aanu ku soo baxaynaa ma jiro oo run ayaan idiin sheegayaa waayo? Codka waxa soo saara ninkii adduun haysta ayaa ninkiisa soo saara, madaxweyne waxa aan kaa codsanayaa inaad hoos u dhawrtaan baarlamaanka xubnihii nala siin lahaa ee goboladda laga siin lahaa”

Suldaan Nadiif waxa uu shaqadda ay qabteen ku bogaadiyey wasiiradda madaxtooyadda, maaliyadda, arrimaha guddaha, maayarka caasimada, tolaha degaanka iyo wasiirka hawlaha guud oo uu sheegay inay ka soo baxeen waajibaadkoodi shaqo isla markaana ay mudan yihiin in lagu taageero.

Xigasho: Warsugan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.