Jaaliyadda Canada Ee Killilka Shanaad Ee Itoobiya Oo Mudaharaad Lagu Diidan Yahay Cabdi Iley Ka Hor Dhigay Saafaradda Itoobiya Ee Ottawa

“dawladda fadaraalka inay talaabo ka qaado arrinkaa ka dhacay Jaamac Dubad, xilkana ka qaado Cabdi Cumar Iley”

Canada – (warsoor) – Dadweyne reer Somaliland oo ku nool wadanka Canada gaar ahaana magaaladda Ottawa ayaa mudahaarad ka hor dhigay safaaradda Itoobiya ay ku leedahay wadanka Canada iyga oo sida fiinta ugu qayliyey maamulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Dadweynaha mudaharaadka ka dhigay safaaradda Itoobiya ee Ottawa ayaa isugu jiray rag iyo haween ka dhiidhiyey sida ay sheegeen dhacdadii Jaamac Dubad ee lagu laayey dadka maatida ah, kuwaa soo tiro ahaan gaadhayey 23 qof.

Dadweynaha mudaharaadka dhigay ayaa ku dhawaaqayey eryo ay ka mid ahaayeen “Cabdi Iley ha dhaco, Cabdi Iley ha dhaco, dhiiga cabku ha dhaco” Waxa ay jeex jeexeen waraaqo uu ku sawiran yahay madaxweynaha ismaamulka Kilika Shanaad ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar (Iley).

ILay

Marwo Cibaado Axmed oo ka mid ahaa dadkii mudaharaadka dhigayey ayaa muujisay dareenkeeda iyo sida ay uga xuntahay dhacdadii Jaamac Dubad waxana ay tidhi “Maanta wax aanu halkan isugu nimi magaaladda Ottawa safaaradda Itoobiya horteeda inaanu horteeda ku muujino dadkii lagu laayey magaaladda Jaamac Dubad ee degmadda Gaashaamo taas oo uu xasuuq aad u fool xumi uu ka dhacay oo lagu laayey dad maato ah, wadaado iyaga oo ku tukanaya masaajid salaadii duhur oo aan loo kala aabo yeelin. Waxa aanu leenahay Cabdi Iley xasuuqa uu ku hayo dadkayga iyo degaankayga waa inay dawladda Itoobiya indho gaara ku eegto u soo jeedsato”

Marwo Saado Xassan oo ka mida dadka degaan ahaan ka soo jeeda Kilika shanaad ee qurbaha ku nool ayaa ka mid ahayd dadka mudaharaadka ka dhigay saafaradda horteeda, waxana ay yidhi “Waxa aanu leenahay dawladda Itoobiya ee Fadaraalka ah inay wax ka qabtaan in dadkaa Itoobiya u dhashay ee muwaadiniinta ah  inay xuquuqdooda u raadiyaan oo ay xaqoodu u soo dhiciyaan, inay ninkan la yidhaahdo Cabdi Iley ee xasuuqa u taagan inay ka qaadaan xilka… oo la xidho, in lagu qaado maxkamad oo loo raado dadka masaakiinta ah ee uu laayey xaqoodii ayaanu maanta halkan isugu  nimi”

“Waxa isku keen keenay xumaata aynu ka xunahay xasuuqa dadkaa maskiinta ah loo gaystay ee shacabka ah ee lagu laayey guryahoodii iyaga oo jooga oo wax danbi ah oo ay galabsadeena aanay jirin, waxa aanu ka xunahay sida dawladda fadaraalku uga aamusan tahay inay arrintaa ka hadasho waxa aanu cod dheer ugu soo gudbinaynaa dawladda fadaraalka inay talaabo ka qaado arrinkaa ka dhacay Jaamac Dubad, xilkana ka qaado Cabdi Cumar Iley” Sidaasi waxaa yidhi mid ka mida abaabulayaashi mudaharaadka oo ka hadlay barxada hore ee safaaradda Ibtooya ee Ottawa.

Suldaan Muuse oo ka mida jaaliyadda reer Itoobiya ee ku nool Ottawa ayaa isna yidhi “Cabdi Iley ayaanu ka cabanaynaa, Cabdi iley ayaa dadkaygii laayey googooyey, aasay, waxa aanu dawladda Itoobiya waydiisanaynaa inay dadkayga ku  ilaaliso Kililka shanaad haddii ay taas dawladda Itoobiya ka soo bixi waydo talaabada danbe ee aanu qaadayna si kale ayey u eekaanaysaa”.

Xigasho: Warsugan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.