Maamulka Degmada Warshiiq oo ka warbixiyey xaalada Degmada Warshiiq

Shabeelaha Dhexe – (warsoor) – Maamulka Degmada  Warshiiq ee Gobolka Shabeelaha  Dhexe ayaa sheegay in Degmada  Warshiiq iyo deegaanada   hoostaga ay ka  jiraan dhibaatooyin xaga nolosha ah iyadoo dadka barakacayaasha ah ee ku nool Degmada ay haysato daruufo adag oo xaga nolasha ah iyo cudurka shuban biyoodka  wuxuuna  maamulka tilmaamay in  aysan  ka jirin  degmada  adeegyada aas aasiga u ah  bulshada  sida  biyaha nadiif ah asagoo xusay in biyaha dhanaan yihiin   wxuuna ka codsaday  maamulka  Hirshabeele iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya  in  ay  la soo gaaraan dawooyinka loo isticmaalo  shuban biyoodka iyadoo maamulka uu sheegay in aysan degmada  ka jirin goobo caafimaad marka laga reebo isbitaal cusub oo weli dhismo ku socdo.

Maamulka Degmada Warshiiq ayaa  sidoo kale ka warbixiyay   baahiyaha kale ay  qabaan dadka ku  nool degmada Warshiiq iyo  Deegaanada  hoostaga  isagoo  tilmaamay in dhibaatooyin ay  ku qabaan dhinaca  marista wadada isku  xirta  Muqdisho  iyo Degmada warshiiq  ee  Gobolka  Shabeelaha  dhexe taasoo uu  jiray bacaad aad u fara badan iyadoo  marista wadadaasi ay dhibaatooyin ku qabaan  gaadiidka  iyo dadka  ku safraya wadaasi.

Dhanka kale  Maamulka Degmada  Warshiiq ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa  tilmaamay in maadaama nolosha dadka Degmada  Warshiiq ay ku tiirsantahay xoolaha  iyo kaluunka  ay  kaluumeysatada  degmada warshiiq  aysan haysanin  qalabki  u fududeyn lahaa jalaabashada  kaluunka  ayna dibaatooyin  ku qabaan dhinaca  jalaabashada  kaluunka.

Xoghayaha  Degmada Warshiiq ee Gobolka Shabeelaha Dhexe  Maxamed Cali Yusuf oo u waramayay Warbaahinta  Qaranka ayaa  ka warbixiyay baahiyaha ka  jira Degmada  Warshiiq Waxa uuna ka codsaday  Maamulka Hirshabeele iyo Dowlada  Federaalka  Soomaaliya  in ay  gacan weyn ka geystaan sidii  looga gurmadn lahaa dadka  ku nool degmada warshiiq.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.