Laba Qarax oo Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac Gaystay oo Ka Dhacay magaaladda Muqdisho

Muqdisho – (warsoor) – waxaa maanta magaaladda Muqdisho ka dhacay laba qarax oo khasaare dhimasho iyo dhaawac ah gaystay, qarax oo loo adeegsaday laba baabuur oo laga soo buuxiyey walxaha qarax, waxaana la aaminsan yahay inay ka dambaysay xarakadda Al-shabaab.

Qaraxan waxaa ku dhintay 13 qof oo iskugu jiray askar iyo dad rayid ah waxaana sidoo kale ku dhaawacmay ugu yaraan 19 qof inta ilaa hadda la ogyahay.

Weerarkan ismiidaaminta ah ayaa lagu bartilmaameedsaday garoondka Aadan-cadde oo saldhiga u ah Ciidamadda midowga  Afrika ee AMISOM iyo diblomaasiyiinta kala duwan ee ka hawl-gala magaaladda Muqdisho.

Taliyaha_ciidamada

Gaashaanle Bishaar Abshir Geedi taliyaha qaybta booliska ee gobolka Banaadir oo warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay sida ay wax u dhaceen waxaanu yidhi, “Saaka abaaro 9:00am subaxnimo xili ku began ayaa cadowga UGUS ee umadda Soomaaliyeed waxay weerar ku soo qaadeen iyagoo watta laba baabuur oo walxaha qarxa laga soo buuxiyey agagaarka garoonka diyaaradaha. Gaadhigaas runtii meel laamiya garoonka dhiniciisa ah ayaa lagu baarkimay, ka dibna uu qarxay. Qaraxaas waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, ilaa hadda inta aanu hayno ilaa 13 qof waa ku dhintay ilaa shan qofna waa ku dhaawacmeen”, sidaasi waxaa yidhi.

Labadda qarax, waxa khasaare badan ka dhashay qaraxii kowaad waxaa ku dhintay dadka intooda badan, waxaa sidoo kale burbur balaadhan uu u gaystay qaybo ka mid ah garoonka Aadan-cadde iyo xarunta dugsiga Xalane oo saldhig weyn u ah ciidamadda Amisom.

Dadka weerarkan u dhaawacmay ayaa loola cararay cusbitaalka Madiina waxaan halkaasi ka jirta saxmad badan oo lagu samato-bixinaayo dadkii ku dhaawacmay weerarkaas.

Qarax_muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.