Hayadda Nabadsugida Soomaaliya ee NISA Oo Qabatay Gaadhi Walxaha Qaraxa Iyo Hub ay Saaran yihiin

Muqdisho – (warsoor) – Ciidmada Hey’adda Sirdoonka iyo nabad Sugidda Qaranka NISA ayaa gacanta ku dhigay Gaadhi ay saaranyihiin hub iyo walxaha qarxa, kaas oo heyaddu sheegtay in la doonayay in lagu qalqalgaliyo Ammaanka Magaalada Muqdisho.

hub_laqabtay

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C.kaamil Macalin Xirsi oo la hadlay wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in ciidamada Hey’adda NISA ay ku qabteen gaadhi waday hab kadibna galabta ay qaadeen howlgal kale oo laga sameeyay deegaanka Ceelasha Biyaha halkaas oo lagu soo qabqabtay ilaa 4 qof oo uu ku jiro horjoogihii hubka iyo qaraxyada gaariga ku soo raray.

rag_lagu_qabtay_hub

“NISA ayaa qaaday howlgal waxaana ku soo qabqabanay illaa 4 ruux, Hub iyo Aaladaha loo adeegsado walxaha qarxa, waxaana la doonayay in dilal iyo qaraxyo looga geysto magaalada Muqdisho”ayuu yidhi Mudane C.kaamil.

Saraakiisha Hey’adda NISA ayaa sheegay in goordhaw saxaafadda loo soo bandhigayo hubkaasi iyo dadka loo soo qabqabtay.

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.