Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland oo Kulan La Qaatay Masuuliyiinta Sarsare ee Hayadda USAID

USA – (warsoor) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo wefti iskugu jira xildhibaano iyo masuuliyiinta xisbiga ayaa kulan kula yeeshay masuuliyiinta sarsare ee hayaddda Maraykanka u qaabilsan mucaawinooyinka, waxanay ka wadda haldeen taakulaynta ay siiso hayadda Somaliland.

Madaxa hayadda USAID ayaa u sheegay weftiga in hayaddu ay Somaliland siiso mucaawi toos ah oo dhan 30%. Masuuliyiiinta hayadda ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay ka caawiyaan dhinacyadda kobcinta dhaqaalaha, dhismaha dawladnimada, arimaha dimuqraadiya iyo doorashooyinka.

weftigi_cirro

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ahna Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cirro ayaa uga mahadnaqay madaxda hayadda USAID taageeradda ay Somaliland siiso waxaanay weftigan Somaliland ka dalbadeen in hayaddo kordhiso deeqda ay Somaliland siiso ilaa boqolkiiba 20%, si wax looga qabto arimaha horumarinta dhalinyaradda, shaqo abuurista dhalinyaradda iyo abaaraha dalka ka dilaacay ee xaalufiyey xoolihii dadka reer miyiga ah oo dhaqaalaha Somaliland ku tiirsan yahay.

Weftigan uu hogaaminaayey gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ayaa sidoo kale ka dalbaday hayadda USAID inay sii dardar galiyaan taageero ay ka gaystaan arimaha doorashooyinka Somaliland, dhismaha xisbiyadda qaranka iyo adkaynta dimuqraadiyadda ka jirta Somaliland.

Weftigan Somaliland ayaa sidoo kale waxay kulan gaar ah la qaateen Madaxda Waaxda hayadda USAID u qaabislan  takhasusaadka Baarlamaanadda waxaanay ka dalbadeen inay taageero farsamo siiyaan baarlamaanka Somaliland.

Madaxda iyo Masuuliyiinta hayadda USAID ayaa soo dhawaysay dalabaadka uga yimid weftigan Somaliland ee ku booqday xarunta hayadda ee dalka Maraykanka, waxaanay balan-qaadeen inay wax ka qaban doonaan codsigaasi uga yimid weftigan uu hogaaminaayey gudoomiyaha Barlamaanka Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.