Gabadh Soomaaliyeed Oo Isku Dhex Gubtay Xero Qaxootiga

Ustaleeriya – (warsoor) – Gabadh Soomaaliyeed ayaa isku dhex gubtay xero xaqootiya oo ku taalka Jaziiradda ka mid dhulka Austria.  Gabadhan oo xaaladeeda caafimaadi ay aad u liidaato.

Warka la xidhidha dhacdan ayaa sheegaya in gabadhaas si degdeg ah loogu qaaday Helikobtar si wax looga qabto khaaladeeda Caafimaad oo meel halisa maraysa.

somali-girl-set-fireGabadhan is-gubtay ayaa magaceeda lagu sheegay Hodan Yasin waxaana da’adeeda lagu qiyaasay ilaa 21 jira.

Mid ka mid dadkii ku jira xeradan lagu hayo xaqootiga oo ka hadlay xaaladda gabadhan yar ayaa yidhi, “Aad baan uga xumay dhibaatadda soo gaadhay walaashay Hodan Yasin, waxay xeraddan ku jirtay muddo saddex sano ah, imikana waa taa is gubtay”.

Dalka Ustareeliya ayaa dadka magangalyo doonka ah iyo dadka xaqootiga waxay u samaysay xero xaqootiya oo ku taal Jaziirad badweynta Baasifik  dhexdheexa oo ka mid ah dawlad goboleedka saddexaad ee ugu yara dhulka Ustareeliya.

Dadka ku jira xeeradda Nauru ayaa caqasho xoogan ka muujiyey nolosha adag ee ka jirta jasiiradaasi waxaanay in badani u adkaysan kari waayeen noloshaad.

Sanadkii hore ayey ahayd markii in u dhashay dalka Iiraan oo isku dhex gubay xeradaasi.

Dhacdan gabadhan Soomaaliyeed ee isku gubtay iyo ninkaa Iraaniga ah ee isku dhex gubay xeradaasi ayaan waxba ka badalin xeerarka adage ee dalka Ustareeliya kula dhaqmo dadka xaqootiga ku ah dalkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.