Ciidamada Ammaanka oo gacanta ku dhigay laba dhagar qabe oo toogasho ku dilay Nin Nabadoon ah

Muqdisho – (warsoor) – Ciidamada Ammaanka degmada Wadajir ayaa gacanta ku dhigay iyaga iyo hubkoodaba laba nin oo toogasho ku dilay xaafadda Xaawo Taako ee degmadaasi Nabadoon lagu magacaabi jiray Nd. Hilowle Xaafow, xilli uu ka soo baxayey Masaajid ku yaalla xaafadaasi, sida ay SONNA u sheegeen dadka deegaanka.

suspects55

Ciidamada degmada oo kaashanaya Shacabka ayay u suurtagashay in ay
maleeshiyadaasi dhaawacaan, isla markaasna gacanta ku dhigaan sida uu
SONNA u xaqiijiyey guddoomiyaha degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax.

Goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa gaaray guddoomiyaha gobolka
Banaadir iyo Taliyayaasha hay’adaha ammaanka ee gobolka iyadoo
Maleeshiyada iyo hubkoodaba ay la wareegeen Ciidammada Ammaanka.

Tallaabada ay qaadeen ciidammada degmada Wadajir oo kaashanaya
Shacabka ayaa si weyn loo soo dhoweeyey, waxaana la sii dhiirigeliyey
in la sii xoojiyey iskaashiga noocaan oo kale ah ee looga hortagayo
dhagaraha  ay maleegayaan Maleeshiyaadka Argaggixisada ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.