Baaqa Gurmadka Abaaraha Qaranka ee ku socda qurbajoogga Somaliland

Hargeysa – (warsoor) – Waxa ka taagan guud ahaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland xaalad abaareed oo si toos ah saamayn taban ku yeelatay nolosha inka badan hal malyuun iyo badh qof marka loo eego qiimayntii dawladda ee bishii February iyo heerka abaaraha ee xilligan iyadoo aan  la helin roobabkii guyaadda 2016 guud gobollada dalka, gaar ahaanna ay ugu darantahay gobollada bariga Somaliland, Sanaag, Sool iyo Togdheer, sidoo kalena ku dhufatay degmooyinka ugu badan ee gobollada Saaxil, Awdal iyo gobolka Maroodijeex laftiisa.

picture

Xaaladda abaaraha taagani waa mid uu ka simanyahay dalku, laguna tilmaami karo aafo qaran oo naxariista EEBBE lagaga bixi karo. Waxay saameeyeen abaaruhu nolosha boqolaal kun oo qoys oo boqolkiiba inta badan haatan ka baxeen xoolihii ama caato iyo joogsi isugu jiraan xaalufka abaarta iyo xaab la’aanta awgeed, taasoo sababtay barakaca kumanaan qoys, halka deegaannada qaar biyo la’aantu u dheertahay gaar ahaan  gobollada bariga dalka ee abaartu ugu darantahay.

Sida uu ku dhawaaqay Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) xaaladda abaaraha qaranku waa mid u baahan dadaal dheeraada iyo iskaashi xoogan dal iyo dibad, dawlad iyo shicib ba.

Qurbajoogga Jaalliyadaha Somaliland ee baahsan wadamada caalamka waxa looga bartay ama caado u ah inay had iyo goor hiil iyo hooba is garab taagaan dadkooda, u muujiyaan, naxariis iyo gargaar intay awoodaanba si hagar la’aan ah. Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL  waxay ugu baaqaysaa dhammaan jaalliyadaha Somaliland ee wadamada caalamka inay laba jibbaaraan kaalintooda waxtarka leh iyo doorka ay ka qaadanayaan hawlgallada gurmadka abaaraha qaranka si loo gaadhsiiyo kaalmo degdeg ah, baad iyo biyaba dadka abaaraysan, loona badbaadiyo noloshooda – EEBBE ayaa badbaado iyo gurmadba leh oo aan baryaynaa.

Waxan idiin ku baaqayaa inaad abaabul iyo iskaashi heerka ugu sarreeya gashaan oo aad iska dhex magacawdaan gudiyada qaadhaan ururinta gurmadka abaaraha ee jaaliyadaha kala duwan oo guntiga dhiisha iskaga dhigtaan. Ilaahay ha idin la qabto.

 

Cabdi Cabdullaahi Xirsi

Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland  

Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga JSL

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.