Alshabaab oo Gacanta Ka Goysay Laba Nin oo Tuugo Ku Eedaysnaa

Muqdisho – (warsoor) – Mid ka mid ah saraakiisha Al-shabaab ayaa sheegay in ay gacanta ka gooyeen labada qof oo lagu eedeeyey inay wax xadeen gobolka ka mid ah Soomaaliya oo ay Al-shabaab ka taliso.

Dagaalyahanadda Al-shabaan ayaa dagaalo kula jiray ciidamada nabad-ilaalinta midowga Afrika ee taageeradda siiya dawladda federaalka Soomaaliya. Waxay meelo ay ka taliyaan aya ku soo rogeen isku xukunka shareecadda Islaamka.

Gudoomiyaha gobolka Galmudug Sheekh Xasan Ali oo warbixin siiyey wakaaladda wararka ee Reutera ayaa sheegay in Faarax Bile Maxamuud iyo Quri Cismaan Cabdi oo qirtay inay tukaan ka xadeen lacag lagu xukumay in gacanta midig laga jaro labadoodbada.

gacan-goyn

Go’aankan ayaa la fuliyey maalinimadii khamiista sida uu ku waramay gudoomiyaha gobolka Galmudug.

Guud ahaan goboladda ay ka taliso xarakadda Al-shababa ayaa waxaa laga fuliyaana shareecadda Islaamka waxaana xukuno kala duwan lagu fuliyaa dadka ku dhaca dambiyadda.

Al-shabaab ayaa ka talin jirtay Soomaaliya inteeda badan iyadoo ay ku jirtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ka hor intiin aan laga qabsanin caasimadda Soomaaliya 2011. Al-shabaab ayaa wali Soomaaliya iyo waddamada Jaarka ah oo ay ku jirto Kenya ku qaada weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah iyo qaraxyo kala duwna.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.