Safiiradda Dawladdaha Czeck Republic Iyo JSL U Fadhiya Dalka Ethiopia Oo Adis-ababa Kaga Shiray Xidhiidhka Labadda Dal Ka Dhexeeya Iyo Horumarinta Dhinaca Dhaqaalaha

Adis-ababa (QMN)- Safaaradda Dawladda Czeck Republic Ay Ku Leedahay Magaaladda Adis-ababa Ee Caasimadda Dalka ETHIOPIA, Ayaa Waxa Kulan Heerkiisu Sareeyo Ku Yeeshay Labadda Safiir Ee Jamhuuriyaddaha Somaliland Iyo Czeck Republic U Wadda Fadhiya Dalka ETHIOPIA, Md Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad) Iyo Amb Pavel MikeŚ.

Kulankan Oo Uu Goob-joog Ka Ahaa Safiir Ku Xigeenka Safaaradda Somaliland Ee Dalka ETHIOPIA Mr Barkhad M Kaariye, Ayaa Si Weyn Loogu Falanqeeyey Xidhiidhka Qota-da Dheer Ee ka Dhexeeya Labadda Dalka Ee JSL Iyo Czeck Republic.

Sidda Uu Ku Sheegay Bartiisa Facebook Safiirka JSL U Fadhiya Dalka ETHIOPIA Md Maxamed Axmed Maxamuud (Awad Cawad), Ayaa Sheegay Inuu Kulankan Ay La Yeesheen Safiirka Adis-ababa Ee Czeck Republic Kaga Wadda hadleen Siddii Loo Sii xoojin Lahaa Xidhiidhka Labadda Dawladdood Ee JSL Iyo Czeck Republic U Dhexeeya, Gaar Ahaan Siddii Ay Somaliland Iyo Czeck Republic Isaga kaashan Lahaayeen Horumarinta Dhinaca Dhaqaalaha.

Warkan Ku Saabsan Kulanka Labadda Safaaraddood Ee JSL Iyo Czeck Republic Ku Dhexmaray Caasimadda Adis-ababa Ee Dalka ETHIOPIA Oo Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Kasoo Xigtay Barta Facebook Ee Ambassador Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad), Wuxuu U Dhignaa Siddan:- “Waxaan maanta booqosho oo igu wehelinayey Safiir ku xigeenka Barkhad M Kaariye ugu tagnay Safiirka Dawlada Czeck Republic u fadhiya dalka #Ethiopia & AU da Amb Pavel MikeŚ. Waxaan ka wada hadalnay sidii loo sii xoojin laha xidhiidhka labada Dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa horumarinta dhaqalaaha labada dal. #Somaliland“. Tifaftire Khaddar Ali Khum