Kulanka Wadatashiga Shirkadda Qandaraaslayaasha WFP iyo Wasaaradda

HARGEYSA – (WARSOOR) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka & Horumarinta Jiddadka JSL Md. Axmed Abokor Maxamed oo baryahan ba ku guda jiray xal-u-hellidda iyo soo-afjaridda khilaafka soo noqnoqday ee ka taagan IShirkadda Iskaashatada Gaadiidleyda TOWFIIQ ayaa Khamiistii kulan wadatashi ah la yeeshay Shirkaddaha Qandaraaslayaasha WFP.

Kulanka waxaa laysku weydaarsaday xoggaha iyo habsami-u-socodka hawlaha daabulka raashinka WFP ee dallalka Ethiopia iyo Somaliland iyo wadashaqaybta Wasaaradda iyo Shirkadaha.

Shirkaddaha Qandaraaslayaashu waxay ka warameen howlaha ay qabtaan, caqabada iyo carqaladaha soo noqnoqda ee ay la kulmaan, waxayna Wasaaradda Gaadiidka ka codsadeen in ay ka caawiso arimaha dhankooda ku xidhan.

Shirkaddahu waxay ka talobixiyeen sidii loo dhamayn lahaa khilaafka Shirkadda Islaasgatada Gaadiidleyda TOWFIIQ, waxayna soo jeediyeen talooyin wax-ku-ool ah, iyaga oo balanqaaday innay diyaar u yihiin inay dhankooda inay xalka ka qaby qaadataan.

Shirkadduhu waxay weftiga Agaasimaha Guud ku aamaaneen siday shaqada u wadaan, gaar ahaan xal-u-hellidda khilaafka Iskaashatada TOWFIIQ.

Masuuliyiinta shirkaduhu waxay balanqaadeen innay soo shubayaan lacagihii baaqiga ku ahaa maadaamo oo akownaddii Bangiyada Shirkadda TOWFIIQ laga wareejiyey maamulkii hore ee Shirkadda oo ay ku socoto baadhitaan uu wado hantidhowre madax-banaan.

Ugu danbayn Agaasimaha Guud oo shirkadaha u mahadceliyey wuxuu u balanqaaday inay Wasaaradd ahaan shirkaddaha Qandaraaslayaasha WFP ka caawin doonaan caqabadaha haysta, isla markaana tababro la siin doono si nidaamkooda shaqo loo casriyeeyo bilaha soo socda. Agaasimuhu masuuliyiinta shirkadaha wuxuu faray inay waajibaadka sharciga ah ee xukuumadu ka doonayso fuliyaan, liisamada cusbooniistaan, cashuuraha ku waajibayna ay iska bixiyaan.

Kulanku wuxuu kusoo dhamaaday is afgarad iyo wadashaynta oo la xoojiyo.