Real Madrid oo Dhigtay Rikoodh Cusub una soo baxday Sideed Dhamaadka

Real  Madrid – (warsoor) – Real Madrid ayaa u soo baxday sideed dhamaadka Copa Del Rey kadib markii ay ka soo gudubtay imtixaankii kooxda Sevilla. Real Madrid ayaa toban daqiiqo ku keensatay laba gool si ay Sevilla uga horjoogsato guul ay ku samri lahayd kadib markii ay macasalaamaysay Copa Del Rey iyada oo 3:1 hogaanka ciyaarta ku haysay laakiin laba gool oo ay kala dhaliyeen Ramos iyo Benzema ayaa Los Blancos ka caawiyay in ay taariikh cusub u dhigaan kubbada cagta Spain iyaga oo kulankii 40 aad oo xidhiidh ah guuldaro ka dheeraaday.

Zinedine Zidane iyo kooxdiisa Real Madrid ayaa jabiyay rekoodhkii guuldaro la’aanta Barcelona ay ku haysatay 39 kulan ee xidhiidh ka ah waxayna hadda Madrid leedahay 40 kulan oo xidhiidh ah oo ayna wax guuldaro ahi soo gaadhay iyaga oo walba markale saddex maalmood kadib Sevilla soo booqan doona.

Real Madrid ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo lahayd laba ujeedo, waa marka horee waxay doonaysay in ay sii ilaashato natiijadii kulankii Bernabeu ee 3:0 ka ahayd si ay wareega sideed dhamaadka Copa Del Rey ugu soo baxdo waxayna mar labaad doonaysay in ay rekoodh cusub u dhigto kubbada cagta Spain isla markaana ay noqoto kooxdii ugu horaysay ee 40 kulan oo xidhiidh ah aan wax guuldaro ah soo arkin iyada oo doonaysay in ay jabiso rekoodhkii Barcelona ee 39 ka kulan oo ay horeba u soo barbaraysay. Laakiin Sevilla ayaa sidoo kale doonaysay in ay dhinaca kale Madrid ugu dhigto natiijadii Bernabeu.

 

 

 

 

 

 

Xigasho: Laacib

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.