Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Kulan La Yeeshay Wasiirrada Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee heer Federaal

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirrada Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee heer Federaal iyo kuwa Dowlad Gobolleedyada.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Wasiirrada ka dhageystay warbixin ku saabsan kulamo ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay, kuwaasi oo ku saabsanaa wadashaqeynta Wasaaradda Dhallinyarada iyo kuwa Dowlad gobolleedyada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boggaadiyay dadaalka ay wadaan wasiirrada – isaga oo tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in la xoojiyo kacdoonka shacabka iyo dagaalka ay dowladdu kula jirto argagixisada Al-Shabaab. Waxa uu sheegay in gaar ahaan dhallinyarada looga fadhiyo in kaalin firfircoon ay ka qataan dib u xoreynta iyo sugidda amniga.