Pakistaan 1697 oo qof ayaa ku dhintay Roobab dabaylo lahaa oo ka da’ay dalkaas

Pakistan – (WARSOOR) – Pakistaan 1697 oo qof ayaa ku dhintay Roobab dabaylo lahaa oo ka da’ay dalkaas

Tirada dhimashada ay sababeen roobabka dabaylo watay ee Pakistan ayaa gaartay 1697, roobabkan da’ayay tan iyo 14kii June.

Sida laga soo xigtay xogta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Pakistan (NDMA), 1697 qof, oo ay ku jiraan 631 carruur ah iyo 340 haween ah, ayaa ku dhintay, 12,867 qofna waa ay ku dhaawacmeen roobabkii socday tan iyo 14kii June.

Dhinaca kale Roobabka ayey waxyeelo kasoo gaartay In ka badan 2 milyan oo guri iyadoo 1 milyan 163 kun oo xoolo ku le’deen.

Roobabka ayaa sidoo kale sababay burburka 13 kun 97 KM oo jidad ah iyadoo dhinaca kale ay ay ku burbureen 440 boondooyin.