Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo ka Qayb Galay Xuska Munaasabad Maalinta Qarannimada Talyaaniga

Muqdisho – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qayb galay munaasabad lagu xusayay maalinta Qarannimada Dowladda Talyaaniga oo lagu qabtay Safaaradda ay ku leeyihiin Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey Talyaaniga kaalinta ay ka qaataan dowladda dhiska Soomaaliya, isla markaana ay ka go,an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal.

“Waxaa farxad ii ah in galabta aan idin kala soo qayb galo xuska maalinta qarannimada Talyaaniga, si aan u xusno xiriirka qotoda dheer ee u dhexeeya labada dal, dalkeenna markii uu ka dillaacay dagaalkii sokeeye ee kala dhantaalay, waxaan idin kaga mahadcelinaynaa qaabkii gobannimada badnayd ee Shacabka iyo Dowladdu gacmo furan ku soo dhaweeyeen qaxootigii Soomaaliyeed oo ay siiyeen fursado ay noloshooda dib ugu dhisaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.