Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka XFS oo ka qayb-galay xil-wareejinta Agaasimaha Cusub ee Hay’adda

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guleed ayaa ka qayb galay munaasabad uu xilka kula wareegay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Cabdulqaadir Clmi Cali (Cabdul), isagoo u rajeeyay in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda loo igmaday.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ayaa sidoo kale u mahadceliyay Agaasimihii hore ee hay’adda Maxamed Aadan Koofi oo uu ku ammaanay shaqadii wanaagsaneyd ee uu ka soo qabtay hay’adda.