Guddida Joogtada ee Golaha Wakiillada oo kulan la Yeeshay Komishanka Doorashooyinka Somaliland

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddida joogtada ah Golaha Wakiillada, ayaa maanta kulan albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay Komishanka doorashooyinka Somaliland.

Kulankan ayaa labada dhinac kaga wada hadleen arrimaha doorashooyinka ee soo socda ee la filayo in ay dalka ka qabsoomaan sannadka dambe.

Guddoomiyaha Guddida joogtada ah ee Golahaas Xildhibaan Nuur Guuleed iyo Guddoomiyaha Komishanka oo la hadlay warbaahinta kulankaasi ka dib, ayaa sheegay in ay yeesheen kulan ay arrimo door ah kaga wada hadleen oo khuseeya doorashooyinoa Madaxtooyada iyp u diyaar garowgeeda.

Guddoomiyaha Komishanka Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo raac), ayaa sheegay in qorshahoodu yahay in ay wakhtigooda ku qabtaan doorashada madaxtooyada, haddii aanay dhib kale dhicin. โ€œDoorashadii Madaxtooyadu Wakhtigeedii ayey ku qabsoomaysaa doontaa, haddii aan wax dhibi ku ahi dhicinโ€ Ayuu yidhi Guddoomiye Riyo Raac.