Qarax lagu dilay Ciidamo Kenyan ah oo ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose

Jubbland – (warsoor) – Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay meelo kamid ah Gobolka Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa Ciidamo Kenyan ah lagaula eegtay duleedka deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM, waxaana la sheegay in qaraxa uu qabsaday mid kamid ah Gaadiidka, isla markaana ay ku dhinteen askar Kenyan ah.

Dadka ku nool Aaga qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa kadib Ciidamada Kenya ay rideen rasaas farabadan, sidoo kalena ay sameeyeen howlgallo baritaano ah.

Degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Jubbooyinka oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda, kuwa Jubbaland & Ciidanka Kenya ee ka tirsan AMISOM ayaa waxaa mararka qaar ay la kulmaan weeraro toos ah iyo qaraxyo, halka marar badan ay sameeyeen howlgallo ka dhan ahaa Al-Shabaab.