Baadariyadii Joy Isa Oo Ka Baxsatay Somaliland

HARGEYSA – (WARSOOR) – Joy Isa oo ah Gudoomiyaha Jaamacada Barwaaqo oo la sheegay in ay tahay baadariyad kiristaan ah ayaa dalka ka baxay ka dib markii baraha bulshada aad loogu falanqeeyay Shaqada rasmiga ah ee ay qabato iyo wax ay tahay.

Gabadhan ayaan dhawaan la arkay iyadoo maamule ka ah Jaamac Cusub oo aan iyada ka hor warkeeda loo maqan oo la ogaaday uun gabadh sooc ah oo ka qalin-jabinaya Jaamacadan.

Dugsiga Abaarso iyo Jaamacada Barwaaqo ayaa labaduba ku yaala meelo ka baxsan magaalada Hargeysa gaar ahaan dhinacyada Waqooyiga iyo Galbeedka.

Dadweynaha Somaliland ayaa dareen iyo tuhun wayn ka muujiyey Jaamacadan magaalada dibada looga saaray, hablaha oo kaliya ay boodhin ahaan ugu jiraa, iyo gabadhan Baadariyada ah ee maamulka looga dhigay. Haddaba markii ay cadaatay inay ka tirsan tahay Dugsiga Abaarso oo isaga laftiisa ay far ku godan tahay ayaa waxaa baraha bulshada gaar ahaan facebook ka bilaabantay ololaha gabadhan lagu naqdinaayo, waxaana la soo helay iyadoo muxaadirooyin diinta kiristaanka jeedinaysa.