Qaramada Midoobay oo dalbatay 1 bilyan oo dollar oo lagu gargaaro Turkiga

Turkiga – (WARSOOR) – Qaramada Midoobay ayaa codsatay in ka badan 1 bilyan oo dollar oo dhaqaale ah oo loogu talagalay gurmadka dhulgariirka Turkiga, laba maalmood kadib markii ay bilowday codsi $400-milyan ah oo loogu talagalay dadka Suuriyaanka ah.

Madaxa gargaarka ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths, oo booqasho ku tagay Turkiga, usbuucii hore, ayaa sheegay in dadka ay la kulmeen dhibaatooyin aan la sheegi karin, isaga oo raaciyay: “Waa inaan garab istaagnaa dadka oo aan hubinno inay helaan taageerada ay u baahan yihiin.”

Dhulgariirkii dhacay 6-dii Febraayo ayaa ilaa hadda ku dilay ugu yaraan 36,187 koonfurta Turkiga, halka maamulka dariska la ah Suuriya ay sheegeen in ay ku dhinteen 5,800 oo qof.

Dadaalka samatabixinta ayaa ka socday dalka Turkiga, balse tirada dadka la soo badbaadiyay maalin walba ayaa aad u yaraaday.

Turkiga ayaa balan qaaday inuu baaritaan ku sameyn doono cid kasta oo lagu tuhmo inay mas’uul ka tahay burburka dhismooyinka, wuxuuna amar ku bixiyay in xabsiga la dhigo in ka badan 100 tuhmane ah oo ay ku jiraan kuwa wax dhisa.