Madaxweyne Xasan“Maamulka Soomaliland waa in uu dhageystaa rabitaanka dadka reer Sool”

Muqdisho – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay Jamaacada Salaadda Jumcaha ku oogtay Masjidka Madaxtooyada ayaa ka hadlay xaaladda gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maamulka Soomaaliland ku boorriyay inay dhageystaan rabitaanka dadka reer Sool oo aan lagu cabburin rabitaankooda.

“Maamulka Soomaliland waa in uu dhageystaa rabitaanka dadka ree Sool. Midnimo ayaan rabnaa dadka laguma colaadinkaro sida aan adinkaba la idinkugu colaadineynin aragtida gooni u goosadka. Walaalka midnimada doonayana waxaan u sheegayaa midnimada nabad ayaan ku rabnaa.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadaba halkan hoose ka daawo muuqaalka khudbadda Madaxweynaha oo dhameystiran.