Pulisic oo heshiis afar sano ah u saxiixay AC Milan

Kooxda AC Milan ayaa heshiis afar sano ah la soo saxiixatay weeraryahanka xulka qaranka Mareykanka iyo kooxda Chelsea Christian Pulisic, sida ay Khasmiistii shaacisay kooxda Serie A-da.

Faahfaahinta dhaqaalaha lama shaacin laakiin warbaahinta Ingiriiska ayaa ku warrantay in kooxda reer Talyaani ay siisay Chelsea 20 milyan oo Yuuro ($22.41 milyan).

Pulisic oo 24 jir ah ayaa afar xilli ciyaareed ku qaatay Chelsea, wuxuuna u saftay 145 kulan, wuxuuna u dhaliyay 26 gool, wuxuuna caawiyay 21 kale.