Sisi iyo Abiy oo ka shiray biyo-xireenka Nile iyo xaaladda Suudan

QAAHIRA —  (WARSOOR) – Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Arbacadii ka wadahadlay xiisadda Suudaan, xiriirka labada dal iyo biyo xireenka weyn ee Itoobiya ay ka sameyneyso webiga Nile, sida ay sheegtay madaxtooyada Masar.

Sisi ayaa Axmed kusoo dhaweeyay qasriga madaxtooyada ee Qaahira, sida ay sheegtay madaxtooyada Masar.

Masar ayaa maanta oo Khamiis ah martigelinaysa shir madaxeedka dalalka deriska la ah Suudaan, kaasoo looga hadlayo sidii loo soo afjari lahaa colaadda 12-ka toddobaad ee u dhexeysay dhinacyada iska soo horjeeda ee milateriga Suudaan, taasoo sababtay masiibo bini’aadanimo oo weyn oo gobolka ka taagan.

Masar iyo Itoobiya oo ah labada dal ee ugu weyn ee deriska la ah dalka Suudaan ayaa sannadihii ugu dambeeyay isku khilaafsanaa dhismaha biyo xireenka weyn ee Korontada laga dhisayo webiga Blue Nile oo ku dhow xadka Suudaan.