Oromada oo militariga Itoobiya ku eedeyay duqeyn lagu dilay 60 qof

ADDIS ABABA — (WARSOOR) – Jabhadda mucaaradka Oromada ee OLF iyo kooxda hubaysan ee ka goosatay ee Oromo Liberation Army (OLA) oo saldhiggoodu yahay gobolka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa ku eedeeyay ciidanka inay ku dileen boqollaal qof oo rayid ah duqeymo cirka ah oo ay ka geysteen gobolka, xilli uu dhawaan furmay wadahadal nabadeed oo looga hadlayo colaadda Tigrayga.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa la hadashay qof rayid ah oo ku sugan Oromiya, oo ku taalla galbeedka Itoobiya, kuna hareeraysan caasimadda federaalka ee Addis Ababa, kaas oo sheegay in uu goobjoog ka ahaa weerar dhinaca cirka ah oo Axaddii lagu dilay illaa 60 qof oo uu ku jiro adeerkiis.

Gobolka Oromiya oo ay ku nool yihiin qoomiyada ugu badan ee dalka Itoobiya oo ay ku nool yihiin in ka badan 40 milyan ayaa waxaa sanado badan ka socday rabshado ka dhashay xaqiraadda iyo dayaca dowlada federaalka oo xiliyada qaar ku cadaadin jirtay gobolka.

Xukuumadda iyo afhayeennada ciidamada ayaan wax jawaab ah ka bixin Khamiistii codsiyo ah inay ka hadlaan eedeymaha uga yimid jabhadda mucaaradka Oromada ee OLF iyo kooxda hubaysan ee ka goosatay ee Oromo Liberation Army (OLA).

Dhinaca kalena, wadahadallada nabadeed ee u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo Jabhadda Tigrayga ee TPLF ayaa kasii socda dalka Koonfur Afrika. Wadahadalladan oo ay garwadeen ka yihiin Midowga Afrika ayaa imaanaya xilli ciidamada Itoobiya oo taageero ka helaya Eritrea ay u muuqdaan kuwo guulo ka gaarayo furimaha dagaalka.

Ezekiel Gebissa oo ah aqoonyahan u dhashay Itoobiya, ahna bare Jaamacadda Kettering ee gobolka Michigan ka dhiga taariikhda iyo daraasaadka Afrika ayaa weriyaha VOA James Butty u sheegay inay calaamad wanaagsan tahay in labada dhinac ay wadahadlayaan, isla markaana aan la aqbali karin wax ka baxsan joojinta dagaalka.