Shirkadda Twitter oo lagu iibsaday heshiis gaaraya 44-bilyan oo doolar

Elon Musk ayaa si rasmi ah ula wareegay maamulka shabakadda  barta Twitter-ka kadib markii uu soo gabagabeeyay heshiis ku kacaya $ 44bilyan oo uu ku iibsanayo shabakada bartaasi.

Ninkaan oo kamid ah dadka ugu taajirsan adduunka, ayaa la shaageay in uu shaqada ka eryay saddex maamule oo sare oo uu ku jiro maamulaha guud Parag Agrawal,sida ay ka dhawaajiyeen qaar ka tirsan Mareykanka.

Madaxa dhaqaalaha Ned Segal iyo Vijaya Gadde, madaxa sharciga, siyaasadda iyo kalsoonida, ayaa sidoo kale la fasaxay, sida ay wararku sheegayaan.

Sean Edgett, oo ah lataliyaha guud ee Twitter-ka, ayaa sidoo kale shaqada laga eryay, Washington Post ayaa werisay, iyadoo soo xiganaysa ilo aan la magacaabin.

Musk ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray “shimbirtii waa la xoreeyay”, isaga oo tixraacaya astaanta shimbirta ee shabakada warbaahinta Twitter-ka.