“Nimankani Diinteenii ayey inaga Rideen kalsooni daro iyo inaynu nahay dad aan caqiidadoodu meel jirin oo markiiba la dufsanaayo” Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule

“Nimankani Diinteenii ayey inaga Rideen kalsooni daro iyo inaynu nahay dad aan caqiidadoodu meel jirin oo markiiba la dufsanaayo”.Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.

Waxaad arkaysaa inagoo haysana diintii ilaahay soo raaciyey Aduunkan isticmaalkeeda weliba Alle inoo balan-qaaday inay tahay diin ilaashan, umada nimcadaas haysataa ma aha kuwo ay warwer iyo kalsooni -daro u Sugnaatay.kolkay sidaa tahay waxaa inoo muuqata niman wadaado sheeganaya oo ina baqo gelinaaya waxan jirin, inagana dhigaaya inaynu Sidano diin falso ah oo markiiba kala burburaysa, waxan idin waydiinayaa inaga iyo Gabadha yar ee diinta Macmalka ah Sidata keeneebaa inuu baqo amaba werwero leh, ma waxaynu nahay dad aan ku kalsoonayn diintooda, iyadu been bay sidataa Adiguna run baynu sidana, intaad umada waxa weyn uga dhigayso, miyaanay iyadu ahayn kuwii lagu yidhi runta gaadhsii, gabadh baa soo gashayeey,  nin baa soo galayeey.

Nin baa laga hayey horta keeneeba werarka laha, ma inaga lahayn inaynu rumaysano inay gabadha yari diinta inaga bedelayso, mise iyaga lahàa inay ka baqaan inaad diinta runta ah  gaadhsiino , xaggee kalsooni daradanu inoogaga dhacday diinteena, oo maalin walba laynoogu bahalo geliyey qof aan wax aan jirin sita, xaggee ayey wabintani ka socotaa.

Anigu waxaan qabaa inaanu kaba daran yahay kan iska dhigaya inuu wax inoo sheegayaa oo uu ka dhagar badan yahay habartan yar, Tusaale, haddii ciidan kaa soo hor-jeedo, ka ku yidhàahda dubaabado ayuu wataa, diyaarado ayuu wataa, iskama celin kartid, gelinka hore ayaa lagugu leefayaa, ee baqdinta iyo ka qadhqadhiyaha, iyo yididiilo xumaha kugu abuuraa, miyaanu ka dhagar -xumayn ka ku soo wèeraraya, kuwani waxay ku talo jiraan inaynu jabno iyadoon cidiba ina soo gaadhin.

Waa xaqiiqo inay yihiin kuwo laynoosoo diraye,  waxay is waydiintu tahay ma waxaa inoo soo diray kuwan beenta soo dhoob-dhooba, mise kuwo kale ayaa inoo soo diray? Inaga yuu habaryar inooga dhigine hadduu diin wax u taraayo ha gaadhsiiyo iyada diinta shariifka ah, haynaga dàayaan humbaalaynta iyo baqo gelinta aan salka lahayn. Iyagaa mudan in la qabto diin iyo umad midna wax u tarimaayaane, haddii aanay islaan diinta gaadhsiin karayn, inagana waxba ina gaadhsiin maayaan.

Waxan kusoo gunaanadayaa, nimankani diinteenii ayey inaga rideen kalsooni daro iyo inaynu nahay dad aan caqiidadoodu meel jirin oo markiiba la dufsanaayo, umada halaga qabto kuwan. . Wa bilaahi tawfiiq.