Yuusuf Xayd: “Jawiga Dugsiga Abaarso waa ka xor Dhaqanka Islamka”

Jawiga Dugsiga Abaarso waa ka xor Dhaqanka Islamka

1. Intaan ku dhex jiray dugsiyada Maraykanka ee aan ka shaqaynjiray waxa aan fiiro gaar ah siin jiray ardayda Muslinka.

2. Naadir bay ahayd in arko arday muslim ah oo soomman ama tukanaya.

3. Cid u diiday ma jirin ee waxa diiddan dhaqanka ay ku jiraan.

4. Waxa ay u arkaan in diintu tahay dhaqan laga tegay oo aan noloshooda qayb ka ahayn.

5. Dugsiga Abaarso:

a. Waxa laga dhisay meel cidlo ah oo ka fog nolol maalmeedka bulshada

b. Waxa loo fududeeyay dhaqan ka duwan ka bulshadooda

c. Waxa loo abuuray nolol ka xor ka ah bulshadoodad. Waxa loo sheegay in ay dareenkooda xor u yihiin

6. Marka khasab ma aha in diin kale lagu hanuuniyo ee waxa loo abuuray jawi ay ilaawi karaan diintooda iyo dhaqankooda.

7. Shir aan mar ka qaybgalay oo loo qaybtay waalidiinta iyo ardayda muslinka oo lagu qabtay masaajidku yaal magaalada aan ku noola, oo ay hoggaaminayeen culimaddu baa arday ardaya su’aalaha loo furay.

a. Ardayad baa waxay tiri, “ Marka aan madaxa masar ku xirno waxa loo haystaa in aan bugno ee ma dhaafi karaa?”

b. Mid kale baa waxa ay tiri, “ Saxiib (boyfriend) ma yeelan karo oo wiilashu marka ay arkaan madaxayaga dedan waxa moodaan in aan bukno ee saaxib ma yeelan karaa?”

c. Wiil baa waxa u yiri, “ Akhriska Quraanku waa waa lagu caajisayaa (boring) ee ma layska dhaafi karaa?”

8. Ardaydan cidina diinta kuma dirin ee waxa loo abuuray jawi ay kaga fogaan karaan diinta iyo dhaqanka diiniga ee Islaamka.

9. Arday Maraykanka jaamacad lacag la’aan ma helaan. Dhallinyaro badan oo Maraykan ahina, gaar ahaan kuwa mado waxa ay ku danbeeyaan xabsiga.

10. Dugsiga abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo hadafka (mission) laga leeyahay ma cadda .

Ardaydu waxa ay ku sugan yihiin jawi loo abuuray inay ka xorooban dhaqanka iyo diintooda oo ay rumayn karaan afkaaro kale oo qarsoon.

Yuusuf Xayd